Wednesday, April 25, 2012

Walaalkay ama Walaashay kusoo dhawaw qaar kamida asxaabtii Rasuulka NNKH.

Assalaamu Caleykum Ku soo dhawoow (hormoodkii islamka iyo mujahidiinti)

qaybta 1aad



الحمد لله .. والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه ومن والاه

"NIN INDHO LA’ OO EEBBE (SW) ISAGA DARTIIS KU SOO DEJIYAY 16 AAYADOOD, KUWAASOO LA AQRIYAY, LANA AQRIN DOONO LABADII CUSBAA INTAY KA SOO LAABTAAN (HABEENKA & MAALINTA)"


CABDULLAAHI IBNU UMMI MAKTUUM


Waa kuma saxaabiga isaga dartiis Nebiga looga canaantay toddobo samo korkood, canaantaasoo ahayd tii ugu adkeyd uguna xanuunka badnayd?!!. Waa kuma saxaabiga isaga dartiis uu malakul-Jibriil (cs) ugu soo daadegay qalbiga Nebigeenna Muxammed (scw) isagoo xagga Rabbi(sw) ka waday waxyi qur’aan ah. Saxaabigaas qiimahaas iyo maamuuskaas weyn lihi waa Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, kaasoo ahaa kii u addimi jiray Rasuulka (scw).

Cabdullaahi Ibnu Maktuum Ilaah ka raalli noqdee, wuxuu ahaa reer Makaad, wuxuuna ka dhashay qabiilka Qureysh. Wuxuu Rasuulka (scw) la ahaa xidid, maxaa yeelay afadii uu Rasuulka (scw) qabay ee la oran jiray Khadiija Bintu Khuweylid ayaa waxay ahaayeen ilmo abti iyo ilmo eeddo laxmi ah. Cabdullaahi Ibnu Maktuum aabihiis waxaa la oran jiray Qays Binu Zeyd, hooyadiisna Caatika Bintu Cabdillaahi, waxaana loogu yeeri jiray Ummu Maktuum, maxaa yeelay waxay Cabdullaahi dhashay isagoo indho daboolan oo indho la’.

Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum wuxuu la kowsaday kolkii uu Nuurka Islaamka ka bishay magaalada Makka, isagoo uu Eebbe (sw) ku iftiimiyay laabtiisa hanuunka iimaanka iyo islaamka, wuxuuna ka mid ahaa asxaabtii ugu horeeyay ee qaata diinta Islaamka. Islaamidda uu Cabdullaahi soo islaamay wuxuu kala kulmay jirdil iyo dhibaato, taasoo uu ka siyaadsaday ku sugnaasho iyo ku adkeysi uu ku adkeysto qanaacadiisa Islaamka. Hagardaamo iyo dhibaatooyin fara badan ayuu kala kulmay gaaladii Qureysh, hase ahaatee waxaasoo dhibaato ah ma ayan tabardareynin oo ma daciifin iimaanka iyo xamaasadda Cabdullaahi ee uu Islaamka u hayay. Balse, waxay arrimahaasi oo dhammi u kordhisay inuu sii qabsado ku dhaqanka kitaabka Alle, dhinaca kalena uu korosado aqoonta la xiriirta guud ahaan shareecadda Islaamka iyo sidoo kale inuu u jiheesto xaggaa iyo ku camalfalka hanuunka Rasuulka (scw).

Jaceylka Cabdullaahi uu u qabay Rasuulka (scw) iyo dadaalka uu ugu jiray barashada iyo xifdinta qur’aanka kariimka ahba waxay gaartey, inuu fursad kasta uu u maro sidii uu arrintaas uga faa’iideysan lahaa. Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) aad iyo aad ugu dadaali jiray sidii ay u soo islaami lahaayeen madaxda qureysh, sidaa darteed ayaa maalin maalmaha ka mid ah, wuxuu Rasuulka (cw) la kulmay qaar ka mid gaaladii sida aadka ah u cadaadin jirtay muslimiinta, sida Cutba Binu Rabiica iyo walaalkiis Shayba Binu Rabiica iyo Camr Binu Hishaam, loona yiqiinnay Abuu Jahal iyo Umayata Binu Khalaf iyo Waliid Binu Al-Muqiira oo ahaa Khaalid Binu Waliid aabihiis.

Markey arrintu halkaas mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) bilaabay inuu u jeediyo gaaladii wacdi, isla markaasna uu u soo bandhigo bal inay soo islaamaan., isagoo aad ugu rajo weynaa Rasuulka inay soo islaamaan, ama haddii kale ay joojiyaan dhibaatada ay muslimiinta ku hayaan. Isagoo Rasuulka (scw) sii wato hadalka, ayaa waxaa u yimid Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum oo markaas ka dalbayay Rasuulka inuu u akhriyo aayad qur’aan ah, isagoo leh:

"Rasuulkii Alloow waxaad i bartaa qaar ka mid ah wixii uu Eebbe (sw) ku baray". Hase ahaatee, Rasuulka ma uusan dhugan xaggiisa oo wuu ka jeestay oo weji kuduudiyay, isagoo u leexday dhinacii ay jireen kooxdii uu la hadlayay ee qureysh, wuxuuna sidaas u sameenayay isagoo ku rajo weynaa bal inay soo islaamaan, oo markaasna islaamkooda ay diinta Islaamka u keento cisso iyo taageerada dacwada Rasuulka (scw). Hadalkii uu Rasuulka (scw) u jeedinayay nimankii qureysh maba uusan dhammaynin, mana doonin inuu aado reerkiisa, jeer uu Alle qabtay qaar ka mid aragtadiisa, wuxuuna dareemay dareen ah sida isagoo la garaacayo madaxiisa oo kale. Intaa dabadeed, wuxuu Alle korkiisa ku soo dejiyay aayadahan qur’aanka ah ee ku jira biloowga suuradda Cabasa:

"Wejiguu uruuriyay oo jeestay (waa Nebiga), inuu u yimid kii indhaha la’aa darteed. Maxaad ka ogtahay inuu u dhow yahay inuu hanuuno oo daahir noqdo. Ama uu waansamo, oo markaas waanadu anfacdo. Ruuxii is deeqtoonaysiiya, Ma diga ayaa u bambixi, Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin. Ruuxiise kuu yimaada isagoo degdegi, Oo Eebbe ka cabsanaya, Miyaad ka shuqloomi, Sidaas ma ahan ee aayaduhu waa waano, Ruuxii doona wuu ku waano qaadan, waxayna dhex ahaatay xaashiyo sharaf leh (looxal-maxfuudka), lana koryeelay oo la daahiriyay, ayna ku jiraan gacmo kuwo sufaro ah (malaa’igta), kuwaasoo sharaf iyo dhego nuglaan leh".

Waa lix iyo toban aayadood oo uu la soo degay malaga Jibriil (cs), isagoo ku tuuray qalbiga Nebi Muxammad (scw), aayadahaasoo ku saabsanaa arrintii Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, waana aayado la aqrin doono laga soo bilaabo xilligii ay soo degeen ilaa iyo maalinta aynu hadda joogno. Sidaas ayaana loo aqrin doonaa ilaa uu inta Alle ka dhaxlayo dunida iyo waxa dul-saaran dhammaanteed.

Wixii maalintaas ka danbeeyay, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa kii aad u maamuusa oo u qaddariya Cabdullaahi kolkuu u yimaado. Wuu soo dhoweyn jiray haddii uu u yimaado, arrimahiisa ayuu la socon jiray, wixii uu u baahan yahayna wuu u fulin jiray. Taasina la yaab ma lahayn, maxaa yeelay isaga daraadiis ayuu Eebbe (sw) uga soo canaantay Rasuulkiisa toddobo cir korkood, canaan tii ugu adkeyd, uguna qallafsanayd. Gaaladii Qureysh markii ay mar kale soo laba-kacleeyeen dhibaatadii ay ku hayeen Rasuulka (scw) iyo mu’miniinta, ayna darraatay dhibkooda ayuu Rasuulka (scw) wuxuu u ogolaaday muslimiinta inay u haajiraan magaalada Madiina. Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee Alle dartii u haajira, isagoo diintiisa la cararaya.

Cabdullaahi oo uu weheliyay saxaabiga jaliilka ah ee la yiraahdo Muscab Binu Cumeyr (goor hore ayuu islaamay, wuxuuna ku dhintay isagoo shahiid ah dagaalkii Uxud) ayaa waxay ahaayeen asxaabtii ugu horeeyay ee yimaada magaalada Madiina. Markii uu Cabdullaahi yimid magaaladii Madiina, maba uusan sii joogin jeer isaga iyo Muscab ay durbadiiba ka bilaabeen gudbinta dacwada Islaamka, iyagoo dadka bari jiray qur’aanka iyo guud ahaan cilmiga diinta Islaamka.

Kolkii uu Rasuulka (scw) yimid magaalada Madiina, ayaa wuxuu magacaabay Cabdullaahi Ibnu Maktuum iyo Bilaal Ibnu Rabaax si ay u addimaan, lana jahraanna oraahda kalimadda tawxiidka maalin kasta 5 jeer. Waxay dadka ugu yeeri jireen camalka kheyrka, iyagoo dhinaca kalena dadka ku baraarujin jiray liibaanta. Bilaal ayaa addimi jiray, Cabdullaahina wuxuu aqimi jiray salaadda. Amaba waxaa dhici jirtay mararka qaarkood inuu Cabdullaahi addimo, Bilaalna uu salaadda aqimo. Nebiga (scw) aad iyo aad ayuu u maamuusi jiray Cabdullaahi, maamuusiddaasina waxay gaartey inuu Rasuulka (scw) uu magaalada Madiina uga tago Cabdullaahi Ibnu Maktuum, marka uu safarka dhowrka iyo tobanka maalmood uga maqan yahay dibadda magaalada. Maqnaanshahaas midkood waxayba ahayd maalintii uu Nebiga (scw) furanayay magaalada Makka.

Dagaalkii Badr ka dib, wuxuu Alle (sw) ku soo dejiyay Nebigiisa aayado qur’aan ah, oo uu Ilaah ku kor yeelayo darajada mujaahidiinta, isagoo ka fadilaya kuwa aan gelin dagaalka jihaadka si uu ruuxa jihaadiyo uu u sii jeclaado jihaadka, dhinaca kalena uu arrintaa ka biyo-diido kuwa iyaga ka fariistay goobta jihaadka. Aayadahaas waxay saameeyeen Cabdullaahi, isagoo dhibsaday inuusan ka qayb qaadan fadligaas weyn ee aayaddu sheegtay. Sidaa darteed Cabdullaahi wuxuu u yimid Rasuulka (scw), isagoo ku yiri hadalkan:

"Rasuulkii Alloow haddaan awoodi lahaa, waan jihaadi lahaa", dabadeedna wuxuu si qalbi qushuucsan u baryay Alle, isagoo yiri: "Ilaahayoow waxaad soo dejisaa cudur daarkayga", Ilaahayoow waxaad soo dejisaa cudur daarkayga".

Yaaba ka dhaqsiinyo badnaa in la aqbalo ducadii Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum. Zeyd Binu Thaabit (rc) oo ahaa qoraagii waxyiga Nebiga (scw) ayaa wuxuu yiri: " waxaan fadhiyay Rasuulka (scw) agtiisa, waxaa Rasuulka dabooshay xasilooni, bowddadiisa ayaa ku dul dhacday bowddadayda, mana arag wax ku culeys badnaa bowddadii Rasuulka, dabadeedna culeyskii waa laga qaaday, wuxuu yiri: qor Zeydoow, waxaan qoray:, ma sinna kuwa dagaalka jihaadka ka fariistay ee mu’miniinta ah iyo kuwa ka qayb galay jihaadka"

Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum ayaa istaagay, markaasna yiri: "Rasuulkii Alloow, ka waran ruuxa aan awoodin inuu jihaado?!" Hadalkii Cabdullaahi maba uusan sii dhameystirin jeer haddana Rasuulka (scw) ka daboosho xasilooni kale, bowddadii Rasuulka ayaa ku dhacday bowddadayda, waxaana dareemay culeyskii hore oo kale, dabadeedna wuxuu yiri: qor Zeydoow. Waxaan aqriyay wixii aan qoray, oo ahaa: "ma sinna kuwa jihaadka ka fariistay ee mu’miniinta ah". Rasuulka (scw) ayaa yiri, waxaad qortaa: "aan ka ahayn kuwa dhibban". Waxaa soo degtay ka soo reebaddii dadka naafada ahaa, taasoo uu in badan jeclaan jiray Cabdullaahi. In kasta oo uu Eebbe (sw) ka cafiyay Cabdullaahi iyo dadka la midka ah ka qayb galka goobaha dagaalka, haddana nafta Cabdullaahi ee mar waliba hiigsata meesha sare ayaa waxay ka biyo diidday inay ka fariisato ka qayb galka goobaha jihaadka. Wuxuuna go’aan adag ku gaarey inuu ka qayb qaadan doono jihaadka.

Maxaa yeelay, dadka sar sare ma damcaan, waxaan ka ahayn waxyaabaha waaweyn. Wixii maalintaa ka danbeeyay, wuxuu Cabdullaahi ku dadaalay inaynan dhaafin duulimaad ama dagaal la qaadayo, wuxuuna naftiisa ugu qoondooyay goobta dagaalka howl gooni ah. Wuxuu oran jiray: "waxaad i istaajisaan bartamaha labada saf dhexdooda, waxaadna ii dhiibtaan calanka si aan idiinkugu qaado, una xafido, maxaa yeelay waxaan ahay ruux aanan wax arag oo markaa aan awoodin orod iyo baxsi kale.

Sannadkii 14aad ee hijriga ayaa wuxuu Cumar Binu Khadaab go’aan adag ku gaaray inuu ciidamada ku qaadi doono dagaal adag oo daba-geddiya dowladda Furus, isla mar ahaantaana tirtirtana boqortooyadooda, isla mar ahaantaana waddada u furta ciidamada muslimiinta. Cumar Binu Khadaab wuxuu guddoomiye-goboleedyadiisa u qoray qoraalkan uu ku leeyahay: "yaan laga soo tegin ruux haysta hub ama faras, amaba ruux geesi ah ama yaqaana tabta dagaalka, idinkoo markaas ii soo diraya dhinacayga, dhaqsada oo dhaqsada".

Muslimiintii oo dhan ayaa hal mar ajiibay amarkii Cumar, iyagoo dadkii dhan isugu yimid magaalada Madiina meel kasta. Dadkaas faraha badnaa ayaa waxaa ku jiray Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum ee indhaha la’aa. Ciidankii dagaalka wuxuu Cumar madax uga dhigay saxaabiga qiimaha badan ee Sacad Binu Abii Waqaas, isagoo u jeediyay dardaaran, sogeetiyayna. Ciidankii markii uu soo gaarey meesha la yiraahdo Al-qaadisiyah, ayaa waxaa soo baxay Cabdullaahi oo lebisan dirac dagaaleedkiisii (qalab la isaga difaaco hubka/seefaha), dhinaca kalena wuxuu dhammeystirtay u diyaar garowgiisii dagaalka, naftiisana wuxuu u rashaxay inuu xanbaaro calanka muslimiinta iyo inuu xafido. Labadii ciidan ayaa waxay dagaalamayeen saddex maalmood oo qallafsan..

Waxay u dagaalameen labadii ciidan si aynan taariikhdii furushada hadda ka hor wax la mid ah aynan u dhicin, jeer ay muslimiintii markii danbe ay uga soo hoyato goobtii dagaalka guul aad u weyn, halka gaaladii Furus dowladdoodii ugu weynayd lagu ciribtiray goobtaas. Boqortooyadii Furus waa la ciribtiray. Dhulkii gaalada waxaa lagu koryeelay calankii towxiidka. Goobtii dagaalka waxaa ku le’day oo ku shahiiday boqolaal ka mid ah muslimiinta, waxaana ka mid ahaa shuhuddadaas Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum. Waxaa la helay isagoo dhiigiisa ku dhex jiifa, isla markaasna ku dhegan calankii Mulimiinta. Halkaas waxaa ku dhammaatay sheekadii Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, waxaan Illaah ka baryaynaa inuu u naxariisto isaga iyo dhammaan asxaabtii diintaan u soo halgantay.


WAXA WALAL INTAA INOOGU DHAMAATAY QAYBTII KOWAAD. WAXAN ILAHAY KA RAJAYNAYAA INAAD SII WADO AKHRISKA

Assalaamu Caleykum Ku soo dhawoow (hormoodkii islamka iyo mujahidiinti)qaybta II



JACFAR BIN ABII DHAALIB


الحمد لله .. والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه ومن والاه



Reer Banii Cabdi Manaaf waxaa ka mid ahaa shan nin oo si aad ah ugu ekaa muuqaalka Rasuulka (scw), waxayna shantaas nin ee sida aadka ah ugu ekaa Rasuulka (scw) kala ahaayeen:-

• Abuu Sufyaan Bin Al-Xaarith Bin Cabdil-Mudhalib oo ay Nebiga (scw) ilmo adeero ahaayeen.

• Qutham Bin Cabbaas oo isna ay Nebiga (scw) ay ilmo adeero ahaayeen,

• Assaa’ib Bin Cubeyd Bin Cabd Yaziid oo ahaa Imaamu Shaafici awoowgiis

• Xasan Bin Cali oo ay dhashay gabadhii Rasuulka (scw) ee Faadumo

• Iyo ugu danbeyntii saxaabiga aan sheekadiisa qaadanayno ee Jacfar Bin Abii Dhaalib oo ay walaalo ahaayeen Cali Bin Abii Dhaalib.

Rasuulka (scw) iyo Cabbaas oo kala qaatay..



Ma ahayn ekaanshahaasi keliya mid muuqaal ah, hase ahaatee wuxuu Jacfar Allaha ka raalli noqdee uu sidoo kale ku sifaysnaa akhlaaqdii wanaagsanayd ee uu lahaa Rasuulka (scw). Abuu Dhaalib oo ahaa Jacfar aabihiis inkastoo maqaam iyo sharaf weyn ka joogay Qureysh, haddana wuxuu ahaa xaal-mastuur oo aan lahayn hanti badan iyo iyadoo ay u dheerayd isagoo lahaa caruur badan. Abuu Dhaalib, waxay xaalad adag la soo gudboonaatay sannadkii abaarta darnayd ay ku dhufatay guud ahaan degmooyinkii ay degganaayeen qabaa’ilka qureysh. Reer Banii Haashim waxaa maalintaas ugu dhaqnaa oo xoogaa fiican hanti haystay Muxammad Bin Cabdillaahi (Rasuulka (scw) oo aan xilligaas la soo saarin) iyo sidoo kale adeerkiis Cabbaas Bin Cabdul-Mudhalib.



Rasuulka (scw) wuxuu Cabbaas ku yiri hadalladan "adeer, walaalkaa Abaa Dhaalib waa caruur badan yahay, dadkiina waxaa isugu darsamay waxaad aragtid oo abaar daran ah iyo xanuunka gaajada, ee ina-kaxeey oo aynu aadno Abuu Dhaalib si aynu uga qaadno qaar ka mid ah caruurtiisa, annigu waxaan qaadanayaa mid ka mid ah wiil ka mid wiilashiisa, adiguna waxaad qaadanaysaa wiil kale sidaas ayaan uga kaafinaynaa."



Cabbaas wuxuu ku yiri Rasuulka (scw) "kheyr iyo samafal ayaad iigu yeertay", kadibna waxay labadoodii aadeen Abaa Dhaalib, waxayna ku yiraahdeen "waxaan doonaynaa inaan xoogaa kaa khafiifino culeyska kaaga yimid caruurtaada si aan kaaga qaadno dhibataada abaarta ee dadkoo dhan saamaysay". Abuu Dhaalib wuxuu ku yiri "haddaad ii dhaaftaan Caqiil, sameeya wixii kale ee aad rabtaan", dabadeedna Rasuulka (scw) wuxuu qaatay Cali, Cabbaas-na wuxuu qaatay Jacfar.

Cali iyo Jacfar waxay maalintaas wixii ka danbeeyay ku kala wareegeen guryaha Muxammad Bin Cabdillaahi (oo aan weli waxyiga ku soo degin) iyo Cabbaas Bin Cabdul-Mudhalib. Cali Bin Abii Dhaalib wuxuu ku soo barbaaray gurigaas jeer Rasuulka (scw) lagu soo saaro diintii hanuunka iyo xaqa wadatay. Nasiib wanaag wuxuu Cali Bin Abii Dhaalib lambarka koowaad ka galay dhalintii ugu horeysay ee gasha diinta islaamka.



Jacfar oo isku-filnaaday

Dhinaca kale, Jacfar isna wuxuu iskala noolaa adeerkiis Cabbaas. Markuu xoogaa weynaaday wuu soo islaamay, isagoo ka guuray gurigii Cabbaas kadib markuu isku filnaaday.

Abuubakar ayaa soo islaamiyay

Jacfar Bin Abii Dhaalib iyo xaaskiisii qiimaha badnayd ee Asmaa Bintu Cumeys inay soo islaamaan waxaa sababteeda lahaa Abuubakar Assiddiiq Allaha ka raalli noqdee, waxayna ku beegnayd kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin daartii Arqam Bin Arqam ee uu dadka diinta ku bari jiray.

Wiilkii reer haashimiga ahaa ee dhalinyarada ahaa waa Jacfare iyo gabadhii iyadana dhalinyarada ahayd ee Asmaa Bintu Cumeys waxaa islaamiddooda awgeed kala soo gudboonaatay cidhiidhi iyo dhibaato weyn oo kaga yimid gaalladii Qureysh taasoo ay la wadaageen muslimiintii kale ee horey u soo islaamay. Jacfar iyo Asmaa dhibaatooyinkaas dusha ayay u dhigteen oo way u sabreen una dulqaateen. Maxaa yeelay, waxay si dhab ah u yaqiinsanaayeen in waddada Jannada loo maro lagu goglay laguna hareereeyay waxyaabaha ay nafta dhibsato.

Qoyskii Jacfar iyo Geeska Afrika

Sidaa darteed, Jacfar Bin Abii Dhaalib wuxuu Rasuulka (scw) ka fasax qaatay isaga iyo xaaskiisa iyo qaar ka mid ah asxaabta inay u qaxaan dhulka Xabasha oo maanta loo yaqaano Geeska Afrika. Rasuulka (scw) wuxuu asxaabta u fasaxay hijradaas isagoo ka murugaysan. Waxaa culeys weyn ku ahayd oo dhibaysay in asxaabtaas qiimaha badan ee mu’miniinta ah lagu qasbo inay diintooda darteed loogu qaxiyo dhul aad u fog, iyagoo aanan gelin wax denbi ah, keliya waxa loogu dhibaateenayo ay tahay inay yiraahdeen "Allaah ayaa Rabbigeena ah". Ma aynan haysan muslimiinta maalintaas awood ay isaga caabbiyaan hagardaamada iyo dhibaatooyinka kaga imaanayay gaalladii qureysh.

Caddaaladdii Najaashi ayay ku nimcaysteen

Muhaajiriintii saxaabada ayaa u anbabaxay dhulkii Xabasha, waxaana muhaajiriintaas qiimaha badan hoggaaminayay saxaabiga jaliilka ah ee Jacfar Bin Abii Dhaalib. Markii ay soo gaareen Xabasha ama Geeska Afrika, waxay durbadiiba magangalyo weydiisteen boqorkii Xabasha ee caddaaladda iyo wanaagga badnaa laguna magacaabayay Najaashi. Waxay markii ugu horeysay saxaabadii muhaajiriintii ahaa dareemeen ammaan iyo nabadgelyo buuxda, laga soo billaabo markay soo islaameen. Waxay billaabeen inay si xor ah u muujiyaan cibaadooyinkoodii diinniga ahaa, iyadoo aynan arrintaas kala kulmin wax dhibaato ah.

Hase ahaatee, gaalladii qureysh markii ay maqleen in koox ka mid ah muslimiinta ay u qaxeen Xabasha, sidoo kalena ay magangalyo ka heleen boqorkii Xabasha ayaa waxay isku dayeen sidii ay muslimiintaas ugu soo celin lahaayeen magaalooyinkooda, dabadeedna ay u dili lahaayeen ama ay xabsiga ugu taxaabi lahaayeen.

Ummu Salama ha nooga sheekayso...

Ummu Salama Allaha ka raalli noqdee oo markaas la socotay muhaajiriintii muslimiinta ayaan sheekadaan inteeda badan ku soo qaadanaynaa waxyaabihii ay la kulmeen muhaajiriintii Xabasha u hijrooday, iyadoo ka sheekeenaysana waxay tiri "markaan nimid dhulka Xabasha waxaan la kulannay dad lala jaaro kuwii ugu kheyrka badnaa, diinteennii ayay nagu nabad geliyeen, iyadoo wax dhibaato ah aanan la kulmin ayaan Rabbigeen si wacan u caabudnay. Qureysh markay maqleen wararka la xiriira sidii na loo soo dhoweeyay waxay billaabeen inay nagu amar-taagleeyaan, waxay boqorkii Najaashiga u soo direen labo nin oo xoog badan, waxayna kala ahaayeen Camar Bin Al-Caas iyo Cabdullaahi Binu Abii Rabiica, waxayna labadaas nin wadeen haddiyado fara badan oo loogu talagalay boqorka Najaashi iyo wadaaddada kale ee isaga ka ag dhow. Waxay qureysh labadaas nin u soo dardaarantay inay haddiyooyinkaas ay siiyaan wadaaddada kaniisadda kahor intaynan ka hadlin boqorka Najaashi".


Kulankii Najaashi ee Camar iyo saaxiibkiis

Ummu Salama oo hadalkeedii sii wadata waxay markale tiri "markii labadii nin ay yimaadeen Xabasha waxay la kulmeen wadaaddadii kirirstaanka ee u shaqeenayay boqorka, waxayna siiyeen dhammaantood haddiyadihii ay u wadeen, dabadeedna waxay ku yiraahdeen, waxaa dhulkii boqorka Najaashi soo gaaray qaar ka mid ah dadkeenii madaxa looga jiray, kuwaasoo diintii aabayaashoodii ay haysteen ka gaalloobay, waxay tafaraaruq geliyeen midnimadii tolkoodii, ee haddaan boqorka kala hadalno kuwaas arrinkooda, fadlan waxaad u sheegtaan inuu innaga faraha inoo soo geliyo isagoo aanan weydiin wax ku saabsan diintooda, ugaasyada iyo madaxda qabiilka ayaa si fiican dadkooda u yaqaana, ugana warqaba diimaha ay rumeysan yihiin.". Wadaaddadii way oggolaadeen codsigoodii oo waxay yiraahdeen "waa yahay".

Ummu Salama ayaa markale tiri, waxay Camar iyo saaxiibkiisii aad u dhibsanayeen inuu boqorka Najaashi uu u yeero mid innaga naga mid ah oo uu hadalkiisa u dhagaysto. Intaa dabadeed waxay Camar iyo ninkii la socday ay u yimaadeen Najaashi, iyagoo ku wareejiyay haddiyadihii ay ugu talagaleen, waxayna ku yiraahdeen hadalladan "boqorow waxaa boqortooyadaada soo magangalay qaar ka mid ah dhalinyaradeena kuwadooda shar-wadayaasha ah, waxay la yimaadeen diin aanan innaga iyo aabayaasheenaba aqoonin, way ka baxeen diinteennii oo mana aynan qaadeen diintiinii, innaga waxaa na soo diray tolka ay iyaga ka dhasheen ugaasyadooda oo ay ka mid yihiin aabayaashoodii, adeeradooda iyo kuwa ay qaraabada yihiin si aan iyaga gacanta ugu gelino, fitnada iyo dhibaatada ay abuureena iyaga (ugaasyadaas) ayaa naga badiya".

Boqorkii wuxuu jaleecay wadaaddadiisii, waxayna iyagoo hadalkii u riyaaqsan yiraahdeen "run bay sheegeen -boqorow-, tolkooda ayaa naga badiya, ee iyaga dib ugu celi iyagay jirtaa waxay ka yeelayaan". Boqorkii Najaashi oo aad uga carooday hadalkii wadaaddadii ka soo yeeray ayaa ku yiri "Maya wallaahi, marnaba lagama yaabo inaan dadkaas dalkooda dib ugu musaafuriyo jeer aan u yeero oo aan waxa uga weydiiyo waxa laga sheegayo, haddii labadaas nin waxay ka sheegeen ay sax noqoto iyagaan gacanta u gelinayaa, hase ahaatee waxa laga sheegayo waxaan ahayn hadday soo baxaan waan magangalinayaa oo waan wanaajin doonaa inta ay ila joogaan".

Markale Ummu Salama waxay tiri "intaa kadib wuxuu boqorkii Najaashi naga codsaday inaan la kulanno. Kahor la kulanka boqorka ayaa innaga dhexdeennii is aragnay, qaarkeen ayaa qaarka kale ku yiri "boqorka ayaa su'aal idinka weydiin doona diinteena ee aynu si cad ugu sheegno diinta aan rumeysanahay, waana inuu noo hadlaa Jacfar Bin Abii Dhaalib, yuusan hadlin qof kale oo aan isaga ahayn". Ummu Salama oo sii wadata hadalka misna waxay tiri "waxaan durbadiiba u dareernay boqorkii Najaashi, markaan soo gaarnay goobtii kulanka waxaan aragnay boqorkii oo ay weheliyaan wadaaddadiisii oo ay ka fadhiyaan dhinacyada midigta iyo bidixda, waxay soo gashadeen dhar khaas ah, kutubadoodii ayay is hor-dhigeen, waxaa sidoo kale goobtii kulanka fadhiyay Ergadii qureysh ee Camar Bin Caas iyo Cabdillaahi Binu Abii Rabiica.

Boqorkii ayaa xaggeenii soo eegay, wuxuuna nagu yiri: waa maxay diinta aad nagu soo kordhiseen oo aad awgeed uga baxdeen diintii ay tolkiinii haysteen, isla mar ahaantaana aynan u qaadanin diinteena iyo mid kale-toona?.

Jacfar oo su'aashaas ka jawaabaya ayaa yiri: boqorow, waxaynu ahayn kuwo jaahili ah, waxaynu caabudi jirnay asnaamta, bakhtigana waynu quudan jirnay, xumaha ayaynu samayn jirnay oo qaraabo-goys ayaynu ahayn, jaarka iyo deriska ayaan dhibaatayn jirnay, keena awoodda leh wuxuu ku tuman jiray kan tabarta daran sidaas ayuu xaalkeena ahaa jeer uu ALLAH (sw) naga soo dhex soo saaro Rasuul aynu naqaano abtirkiisa, runtiisa, amaanadiisa iyo dhowrsanaantiisaba. Wuxuu noogu yeeray rumeynta Allaah, iyo inaan isaga keliya aan caabudno, isla markaasna aan faraha kala baxno wixii aynu innaga iyo aabayaasheenaba ay ku sugnaayeen oo ah cibaadada asnaamta. Wuxuu Rasuulkaas na faray run-sheega, gudashada amaanada, xiriirinta qaraabada, deriska oo la wanaajiyo.., wuxuu naga reebay xumaha oo idil iyo been-abuurashada, in la cuno hantida ay leeyihiin agoonta iyo gabdhaha dhowrsoon oo lagu tuuro xumaan. Wuxuu kaloo na faray inaan Allah "sw" keliya aan caabudno oo aanan u shariik-yeelin, inaan oogno salaadda, bixinno sakada iyo inaan soonno bisha ramadaan. Waan rumeynay, oo waxaynu si dhab u qaadanay wixii uu xagga Allaah kala yimid, xalaashii ayaynu xalaalsanay, oo wuxuu naga reebayna xaaraan ayaan ka dhiganay, intaa dabadeed boqorow waxay tolkeenii billaabeen inay nala collaytamaan, xanuun daran ayay na mariyeen si ay nooga celiyaan diinteena oo ay noo celiyaan cibaadadii asnaamta. Markii si daran ay noo dulmeen oo ay noo dhibaateeyeen ayaan u soo qaxnay dhulkiina, adiga ayaan dadkii kale kaa dooranay, waxaynu doorbidnay la deriskaaga, waxaan maciin-badnay inaan agtaada nalagu dhibaataynin.


Aayadihii saameeyay boqorka Najaashi


Ummu Salama Waxay tiri "boqorkii Najaashi wuxuu jaleecay oo eegay Jacfar Bin Abii Dhaalib, wuxuuna ku yiri ma jiraan wax tilmaamaya wixii uu Nebigiina kala yimid xagga Allaah, wuxuuna Jacfar yiri HAA, dabadeedna wuxuu boqorkii ku dul aqriyay suuradda Maryama "kaaf-haa-yaa-cayn-saad- (Allaah ayaa og macnaha xuruufahaan), waa sheegid naxariista Rabbigaa u sheegayo addoonkiisa Zakariya, mar uu u dhawaaqayay Rabbigiisa dhawaaq qarsoodi ah, yirina Rabbiyow annigu waan tabar-yaraaday, madaxayguna wuxuu la huray cirro, mana ahayn –Rabbiyoow- baryadaada mid ku khasaara....", wuu waday jeer uu Jacfar ka dhammeeyay dhammaan suuraddii Maryama oo ka kooban 98 aayadood.

Waxay markale Ummu Salama tiri "waxaa ooyay boqorkii Najaashi, ilmadii ka soo daadanaysay ayaa garkiisii oo dhan qoysay, wadaaddadiisiina way ooyeen markii ay maqleen aayadihii xaqa ahaa ee laabtoodii gilgilay, kadibna wuxuu boqorkii nagu yiri diintii lagu soo dejiyay Nebigiina iyo diinta lagu soo diray Nebi Ciise waxay ka yimaadeen hal meel, intaa dabadeed wuxuu eegay Camar iyo saaxiibkiisa wuxuuna ku yiri "iska taga, wallaahi ayaan ku dhaartaye inaanan (kuwan) gacanta idiin gelinaynin".


Hagardaamo kale ayaa lala damcay

Ummu Salama waxay tiri, markii aan ka dhaqaaqnay fadhigii boqorka Najaashi waxaa na handdaday oo noo gooddiyay Camar Bin Caas, wuxuuna saaxiibkiis ku yiri, waxaan berito u tagayaa boqorka annigoo u sheegi doono hadal boqorka ku abuura inuu idin caroodo.

Cabdullaahi Binu Abii Rabiica ayaa ku yiri Camar: ha samaynin sidaas, inkastoo ay na khilaafeen haddana waa xigtadeenii. Camar ayaa markale ugu jawaabay adiga faraha iga qaad, wallaahi inaan boqorka u sheegi doono inay Nebi Ciise ka aaminsan yihiin inuu yahay addoon. Maalintii danbe markii la gaaray ayaa Camar wuxuu u galay boqorkii Najaashi, wuxuuna ku yiri boqorow kuwan aad magangalyada siisay waxay ku sheegayaan Ciise Ina Maryama hadal aad u weyn, sidaas darteed intaad u yeertid waxaad weydiisaa waxa ay Ciise ka aaminsan yihiin. Waxay tiri Ummu Salama, markaan arrinkaas ogaannay waxaa nagu soo kordhay murugo iyo tiiraanyo aanan horey noo qabsan, waxaynu is niri, hadduu boqorka wax naga su'aalo Nebi Ciise (cs) maxaynu niraahnaa??. Waxaan isla garanay inay habboon tahay inaan su'aashaas aan uga jawaabno oraahdii uu Allaah ka yiri Ciise, innagoo wax kale aanan ku siyaadinin, dabadeedna wixii markaas kadib dhacayo ha dhaceen. Waxaan markale isla garannay inuu noo hadlo Jacfar Bin Abii Dhaalib. Markaan hor nimid boqorkii Najaashi, wuxuu na weydiiyay waxa aan ka aaminsannahay Ciise Ina Maryam, wuxuuna Jacfar ku yiri boqorka “Nebi Ciise waxaan ka leenahay oo keliya waa wixii uu nooga waramay Nebigeena Muxammad (scw)”. Boqorkii ayaa raaciyay su’aashaan “waa maxay waxaasi??”.


Jawaabtii Jacfar ee Nebi Ciise (cs)

Jacfar oo ka jawaab bixinaya Nebi Ciise (cs) ayaa yiri "waa addoonkii Alle iyo Rasuulkiisa.....". Markii uu boqorkii Najaashi maqlay hadalkaasi wuxuu gacanta ku garaacay dhulka, wuxuuna yiri.. “ma jiraan wax ay ku kala duwan yihiin Nebi Ciise (cs) iyo nebigiina”. Sawaxan iyo buuq ayay isku dareen wadaaddadii kirishtaanka ee ag fadhiyay boqorka, iyagoo caro ka muujiyay hadalka ka soo yeeray boqorkoodii.

Boqorkii Najaashi oo si weyn ugu qanacsan sharaxaaddii muslimiinta ay ka bixiyeen diintoodii ayaa ku yiri “socda oo waxaad tihiin kuwo la nabadgeliyay, qofkii idin caaya waa la ganaaxayaa, qofkii idin dhibaateeyana waa la ciqaabayaa, wallaahi ayaan ku dhaartaye kuma doorsanayo in la i siiyo buur dahab ah oo markaasi qof idinka mid ah ay soo gaarto dhibaato”, kadibna wuxuu boqorka eegay ergadii Qureysh ee Camar iyo saaxiikiis isagoo ku yiri “ ha loo celiyo labadaan nin haddayadahoodii, waayo uma baahnin”.

Ummu Salama waxay tiri, Camar iyo saaxiibkiis oo qoomameenaya ayaa dib dalkoodii ugu laabtay, hase ahaatee innaga waxaan si maamuus leh u sii joognay dhulkii Xabasha.

Toban sanno ayay Xabasha joogeen

Saxaabigii jaliilka ahaa ee Jacfar Bin Abii Dhaalib iyo afadiisii Asmaa waxay geeska Afrika si nabad ah ugu sugnaayeen toban sanno. Hase ahaatee, sannadkii toddobaad ee hijriga ayaa waxay iyaga iyo koox saxaabada ka mid ah ku soo laabteen magaallada Madiina. Imaanshihii Jacfar iyo muhaajiriintii ka timid Xabasha iyo Rasuulka (scw) oo markaasi ka soo laabtay duulimaadkii Khaybar ayaa wada kulmay, waana kadib markii la furtay Khaybar.

Soo dhoweyntii Rasuulka (scw) ee Jacfar

Suubbanaha Rasuulka (scw) si aan la tilmaami karin ayuu ugu farxay imaanshaha Jacfar, intuu laabtiisii sharafta badnayd ku soo dumay Jacfar ayaa wuxuu ku yiri “ma waxaynu ku faraxnaa furashada Khaybar mise imaanshaha Jacfar??.

Farxaddaasi uu Rasuulka (scw) ka muujiyay imaanshaha Jacfar kama yareyn tan guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan kuwii masaakiinta ahaa ay ugu farxeen imaanshaha Jacfar iyo asxaabta kale. Maxaa yeelay, Jacfar wuxuu aad u xiriirin jiray una dhaqaalayn jiray masaakiinta muslimiinta ee waxna aan haysan, waxayna taageeradiisa masaakiinta ay keentay in loogu magac-daro “aabihii masaakiinta”. Abuu Hureyra Allaha ka raalli noqdee oo arrinkan ka sheekeenaya ayaa yiri “haddaynu ahayn jamaacada masaakiinta Jacfar wuxuu noo ahaa qofka noogu roon dadka, gurigiisa ayuu intuu noo kaxeeyo ayuu na soo siin jiray waxa yaala oo cunto ah..”.

Jacfar oo hoggaaminaya dagaalkii Mu’ta

Joogistii Jacfar ee uu dunida saarnaa ayaa soo yaraatay. Sannadkii siddeedaad hijriga billowgeedii wuxuu Rasuulka (scw) diyaariyay ciidan la dagaallama ciidamada Ruum ee ku sugnaa gobolka Shaam, wuxuuna ciidankii muslimiintii madax uga dhigay Zeyd Binu Xaaritha, wuxuuna yiri “haddii la dilo Zeyd ama la dhaawaco waxaa amiir noqonaya Jacfar Binu Abii Dhaalib, Jacfar haddii la dilo ama la dhaawaco waxaa amiir noqonaya Cabdullaahi Binu Rawaaxa. Cabdullaahi Binu Rawaaxa haddii la dilo ama la dhaawaco markaasi muslimiinta ha iska dhex doorteen mid iyaga ka mid ah..”.


Labo ciidan aan isku aadin xagga tirada

Muslimiintii markii ay gaareen Mu’ta oo ah tuulo ku taalla Urdun ee Shaam ayaa muslimiintii waxay ogaadeen inay ciidamada Roomaanka ay diyaarayeen ciidamo gaaraya 100 000 qof, boqolkaasoo kun oo ay taageerayaan boqol kun kale oo isugu jira gaallada Carbeed ee ka tirsan qabiilooyinka Lakhm, Judaam iyo Qud-h-aaca iyo kuwo kale oo badan, halka ciidamada muslimiinta ay gaarayeen oo keliya 3000 ciidan. Saddex kun oo ciidan ayaa wuxuu la dagaalamayaa labo boqol oo kun (200 000) oo ciidan, waa labo ciidan oo aan isku aadin.

Hase ahaatee, waxyar kadib waxaa billowday dagaalkii ay dagaallamayeen ciidamada muslimiintii iyo kuwii kale ee gaallada ahaa. Hoggaamiyihii ciidamada muslimiinta Zeyd Binu Xaaritha ayaa jiidda hore ee dagaalka ku naf-waayay sidiina ayuu ku shahiiday, Allena uga baryaynaa inuu u naxariisto.

Dhinaca kale, waxaa durbadiiba hoggaankii si geesinimo ku jirta ula wareegay saxaabiga aan ka sheekeenayno ee Jacfar Binu Abii Dhaalib isagoo ka soo dagay faraskiisii. Si xammaasad weyn ku jirta ayuu dagaalkii u galay, waxa keliya ee u muuqanayay waxay ahayd Jannada iyo bilicdeeda ballaaran, neecowdeeda iyo biyaheeda macaan, xuurul-ciinteeda loo dhammeeyay quruxda, webiyadeeda kala nooca ah intaasoo ay sii siyaadiso rajada weyn ee uu ku qabay raalla ahaanshaha RABBI (sw) taasoo uusan wax kale ku doorsanaynin. Wuxuu tiriyay tix gabay ah oo uu kaga hadlayay sida loo xanuujin doono ciidamada Roomaanka ee qarka u istaagan in la ciribtiro.


Jacfar oo dagaalka ku shahiiday

Wacdarro weyn ayuu Jacfar goobtii dagaalka ka muujiyay, isagoo sita seeftiisa wuxuu dhex jiiray ciidankii roomaanka, isagoo kii ka soo hor-baxaba uu qoorta ugu dheereenayay seeftiisa ayaa markii danbe waxaa laga dhaacaway oo laga gooyay gacantiisii midig, calankii ayuu misna ku qaaday gacantiisii bidix, markale ayaa misna laga dhaawacay oo ay go’day gacantii bidix kadibna laabtiisii ayuu damcay inuu calanka ku qaado, hase ahaatee dhufashadii 3-aad oo darnayd ayaa jirkiisa laba dhinac ka kala dhigtay. Intaa kadib waxaa calankii la wareegay geesigii 3-aad ee Cabdillaahi Binu Rawaaxa ilaa isna laga dilo oo uu ka shahiido. Dhammaantood Allaha u naxariisto kana raalli noqdo, waxay dhinteen iyagoo u taagan difaacidda diinta ALLAAH (sw).

War degdeg ah oo Rasuulka (scw) soo gaaray

Rasuulka (scw) oo ku sugan magaallada Madiina ayaa waxaa gaaray khabar degdeg ah (waxyi ahaan) kuna saabsan geeridii hoggaamiyaashiisii qiimaha badnaa, si daran oo xanuun badan oo aan la tilmaami karin ayuu geeridooda uga tiiraanyooday. Wuxuu aaday guriga Jacfar oo ay ilmo adeero ahaayeen. Guriga waxaa joogay afadiisii qiimaha badnayd ee Asmaa Bint Cumeys oo ku rajo weynayd ninkeedii oo nabad qaba inuu ku soo laabto gurigiisa iyo reerkiisa. Diyaargarow fiican ayay arrinkaa ugu talogashay, cunto macaan iyo caruurtii oo ay u qubaysay oo ay qurxisay si ay si wadajir ah ay ugu qaabilaan aabahoodii ay sida daran u jeclaayeen.

Tiiraanyadii Qoyska Jacfar

Asmaa oo dareenkeeda maalintaas cabbiraysa ayaa waxay tiri “markii uu noo yimid Rasuulka (scw) waxaan wejigiisa qiimaha badnaa ka aqristay murugo weyn, waxaa naftaydii gashay cabsi, hase ahaatee ma aanan jeclaysan inaan weydiiyo su’aalo ku saabsan arrinta ninkayga Jacfar, cabsi awgeed aan ka qabo inaan maqlo war aan i farax gelin. Rasuulka (scw) wuu na salaamay, wuxuuna intaa kadib igu yiri waxaad iigu yeertaa caruurta Jacfar, waana u yeeray. Caruurtii oo faraxsan ayaa xagga Rasuulka (scw) ku soo cararay, mid walba oo caruurta ka mid ah wuxuu doonayay inuu ku dhago ama qabsado jirka Rasuulka (scw). Dhinaca kale, Rasuulka (scw) isna wuxuu ku soo foorarsaday caruurtii, isagoo dhunkanaya isla mar ahaantaasna ay indhihiisii sharafta badnaa ay ilmeenayaan.
Waxaan ku iri –hooyaday iyo aabahay ha lagugu furtee- maxaad la oonaysaa?? Ma Jacfar iyo labadiisii saaxiib ayaa dhibaato soo gaartay?. Wuxuu Rasuulka (scw) “HAA.., oo maanta ayay shahiideen”. Markay hadalkaasi uu yiriba waxay farxaddii iyo muusoodkii isu baddashay naxdin iyo walbahaar. Caruurtii yaraa ee faraxsanaa markay maqleen oohinta hooyadood waxaa ka soo haray degganaansho lagu hareeyay tiiraanyo daran.


Ducada Rasuulka (scw) ee Jacfar
Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuu iska tagay isagoo iska masaxaya ilmadii buuxisay labadiisii indhood, wuxuuna lahaa waqtigaas iyada ah hadallo macnihiisu ahaa “Allahayoow waxaad Jacfar (qoyskan) ugu baddashaa wax khayr badan, Allahayow qoyska Jacfar baddal wanaagsan sii”, kadibna wuxuu yiri “waxaan Jannada ku arkay Jacfar oo leh labo garbood oo dhiig leh..”. Haa, Allaah (sw) waa mudan yahay inuu ku abaaliyo Jacfar darajadaas qiimaha badan, waxaana halkaas ku dhammaatay sheekadii Saxaabigii jaliilka ahaa ee Jacfar Binu Abii Dhaalib oo aan Allaah uga baryayno inuu u naxariisto, kana raalli noqdo aamiin aamiin aamiin.





Assalaamu Caleykum Ku soo dhawoow (hormoodkii islamka iyo mujahidiinti)qaybta III



CABDIRAXMAAN BINU CAWF



الحد لله .. والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه ومن والاه

Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa tobankii qof ee ugu horeeyay ee soo islaama, wuxuu kaloo ka mid ahaa tobankii nin ee Jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunida saaran. Wuxuu ka mid ahaa lixdii nin ee loo doortay guddiga Shuurada (talo bixinta) ka dib maalintii doorashada khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc). Wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ka jawaab celin jirtay su’aalaha diiniga, iyadoo Rasuulka (scw) uu noolaa.
Wakhtigii jaahilayada ee Islaamka ka hor, waa intuusan islaamin’e, waxaa Cabdiraxmaan lagu magacaabi jiray: "Cabdi Camr", hase ahaatee kolkii uu soo galay diinta Islaamka oo soo islaamay, wuxuu Nebiga (scw) u baxshay magaca Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu islaamay ka hor intuusan Nebiga (scw) gelin daartii Arqam Binu Arqam, waana xilligii uu soo islaamay Abuubakar As-siddiiq labo maalmood ka hor. Cabdiraxmaan islaamidda uu soo islaamay wuxuu kala kulmay rafaad, jirdil, dhibaato iyo hagardaamo aad u daran, sidii ay ula kulmeen isaga hortiis walaalihiisa diinta Islaamka kaga soo horeeyay. Cabdiraxmaan wuu u sabray dhibaatadaas dacwada ka soo gaartay, sidii ayba Saxaabaduba ay arrintaa ugu dulqaateen, rumeyntoodii xeesha dheereed oo kalena wuu la yimid.
Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa asxaabtii u haajirtay dhulka Xabashida isagoo la baxsanayay diintiisa. Kolkii uu Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisa loo idmay inay u haajiraan oo u guuraan magaalada Madiina, Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa mar kale hormuudkaasxaabtaas. Rasuulka (scw) iyo asxaabtii la socotayba markay yimaadeen magaalada Madiina, wuxuu walaaleeyay Muhaajiriintii ka soo haajirtay magaalada Makka iyo Ansaartii deganayd magaalada Madiina.

Haddaba, Cabdiraxmaan oo ka mid ah muhaajiriintaas ayaa waxaa walaal looga dhigay Sacad Binu Rabiic Al-Ansaari (rc). Sacad Binu Rabiic wuxuu Cabdiraxmaan ku yiri: "walaalkayow waxaan ka mid ahay ganacsatada degan magaalada Madiina kuwooda ugu taajirsan, waxaan leeyahay labo beerood iyo labo xaasas. Labadaas beerood bal soo eeg oo middaad doonto qaado, xaasaskaygana tii aad jeclaato ayaan kuu furayaa si aad adiga u guursato". Cabdiraxmaan ayaa ku yiri: "Maalkaaga iyo xaaskaagaba Illaah ha kuu bakeeyo, laakiin waxaad i tustaa goobaha ganacsiga". Muddo yar ka dib Cabdiraxmaan wuu guursaday, wuxuuna u yimid maalintii danbe Rasuulka (scw).

Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan weydiiyay inuu guursaday iyo qiimaha uu meher ahaan u bixiyay. Cabdiraxmaan wuxuu yiri haa oo waan guursaday, meher ahaanna waxaan u baxay xabad timir wax le’eg oo dahab ah. Nebiga (scw) wuxuu Cabdirxamaan ku yiri: "casumaad sameey (alla bari) waloow neef arina ha ahaadee, Illaah xaaskaaga iyo maalkaagana ha kuu barakeeyo". Ducadii Nebiga (scw) waa la aqbalay jeer uu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka noqdo qof deeqsoon oo maal qabeen ah.

Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu Rasuulka (scw) kala qayb galay dagaalo badan. Maalintii dagaalkii Badar ay dhacday wuxuu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka muujiyay goobtii dagaalka wacdaro geesinimo leh ilaa uu ka dilo cadoowgii Alle ee la oran jiray Cumeyr Binu Cuthmaan Binu Kacab Al-Tamiimi. Sidaas si la mid ah ayaa Cabdiraxmaan wuxuu ahaa kii sugnaada maalintii dagaalka Uxud, halka qaar ka mid ah asxaabta ka carareen. Waxaa dagaalkii Uxud ka soo gaarey Cabdiraxmaan dhowr iyo labaatan dhaawacyood, qaarkoodna ay halis ahaayeen.

Hase ahaatee jihaadka Cabdiraxmaan waxaa lagu tiriyaa mid yar, marka loo bar-bardhigo jihaadka maalka uu kaga qayb galay. Waxaan arkaynaa Rasuulka (scw) oo doonaya inuu diyaariyo ciidan ilaalo ah, markaasaa wuxuu asxaabta ku leeyahay: "maalkiina ka saddaqeysta waayo waxaan doonayaa inaan diro ciidan ilaalo ah". Markii uu Cabdiraxmaan maqlay hadalkaas wuxuu u degdegay gurigiisa si uu wuxuu hayo oo maal ah ugu keeno Rasuulka (scw). Lacagtii uu haystay maalintaas waxay gaareysay 4000 oo dirham, wuxuuna ula yimid Rasuulka (scw) isagoo ku yiri: "labo kun waxaan amaahiyay Illaah, labada kun ee kalena waxaan u soo dhaafay ciyaalka".

Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan ku yiri: "Illaah ha kuu barakeeyo maalka aad bixisay iyo maalka aad reebatay. Markii uu Rasuulka (scw) go’aansaday duulimaadkii Tabuuka oo ahayd dirirtii ugu danbeesay ee uu Rasuulka qaado intuu noolaa, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo maal fara badan, waayo ciidanka lagu duulayay ee Roomaanka ayaa ahaa kuwo in badan ka tiro iyo gaadiid badnaa muslimiinta, dhinaca kale sannadka uu dagaalku dhacayayna waxay ahayd sannad abaareed, safarkuna wuxuu ahaa safar dheer oo qaadanaya maalmo. Iyadoo intaasoo arrimood oo dhibaato ah ay jiraan, ayaa waxaa Rasuulka (scw) u yimid qaar ka mid ah mu’miniintii jeclayd inay ka qaybgalaan dagaalka, iyagoo ka codsanaya Rasuulka inuu ka xanbaaro oo uu ka bixiyo qarashka ku baxa safarka, Rasuulku wuu ka cudurdaartay waayo ma uusan haysan wax dhaqaale ah.

Mu’miniintii waxay laabteen, iyagoo indhahooda ay la burqanayso ilmo, murugo daraateed, sababtuna waa iyagoo aynan awoodin inay helaan nafaqada lagu aadayo duulimaadka Tabuuka. Mu’miniintaas sharafta leh waxaa maalintaa wixii ka danbeeyay loo baxshay kuwii oohinta badnaa, ciidankii dagaalka galayna waxaa iyagana loo baxshay ciidanka cidhiidhiga ama dhibaatada. Markay arrintu halkaa mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) amray asxaabta inay maalkooda wax ka bixiyaan si jidka Alle ah iyo si ay maalkaas Ilaah uga ajar qaataan. Muslimiintii ayaa hal mar ajiibay fulinta codsigii Rasuulka (scw) si ay maalkooda uga saddaqeystaan.

Haddaba, asxaabtaas waxaa safka hore kaga jiray Cabdiraxmaan Binu Cawf. Wuxuu bixiyay labo boqol oouuqiyadood oo dahab ah. Cumar Binu Khadaab (rc) oo markaas aan ka fogeyn meesha ayaa yiri: "waxaan arkaa inuu Cabdiraxmaan galay denbi, waayo wax maal ah ma uusan u soo dhaafin ehelkiis".

Rasuulka (scw) ayaa weydiiyay Cabdiraxmaan su’aashan: "wax maal ah reerkaaga ma u soo dhaaftay". Cabdiraxmaan ayaa yiri: "haa, oo waxaan u soo dhaafay wax ka badan kana wanaagsan maalkii aan bixiyay". Rasuulka (scw) ayaa misna yiri: "waa imisa". Cabdiraxmaan ayaa yiri: "wixii uu Ilaah u yaboohay oo risqi iyo kheyrba ah". Ciidankii Muslimiinta waxay u anbabaxeen Tabuuka, halkaana wuxuu Ilaah ku maamuusay Cabdiraxmaan Binu Cawf wax uusan ku maamuusin mid ka mid ah muslimiinta. Waxaa la gaarey xilligii salaadda, markaa iyada ahna Rasuulka (scw) uu muuqan yahay. Cabdiraxmaan ayaa tujiyay muslimiintii, markii ay dhammaatay rakcadii koowaad ayaa waxaa yimid Rasuulka (scw), ka dibna wuxuu ku xirtay salaadda uu imaamka u ahaa Cabdiraxmaan.

Haddaba, ma waxaa jira wanaag iyo qiimo ka weyn inuu qof tujiyo intuu Eebe (sw) abuuray oo dad ah imaamkooda iyo inta nebiyo la diray imaamkooda. Waxaan u maleenayaa inay jawaabtu tahay: "MAYA". Markii Rasuulka (scw) uu geeriyooday, wuxuu Cabdiraxmaan Binu Cawf u istaagay u-adeegidda hooyooyinka mu’miniinta, waa xaasaskii Rasuulka (scw)’e. Cabdiraxmaan wuxuu u qumi jiray danahooda. Wuu wehelin jiray haddii ay safar galayaan. Wuu la xajin jiray, haddii ay aadayaan Xajka. Wixii ay doonayaan in loo sameeyo oo dhan ayuu u qaban jiray. Taasina waa ammaan ka mid ah waxyaabaha uu ruuxa uu ku faano, dhinaca kale waxaa laga qaadanayaa arrinkan isaga ah kalsooni weyn oo ay haweenka Nebiga (scw) ku qabeen Cabdiraxmaan. Samafalka iyo ixsaanka Cabdiraxmaan Binu Cawf uu u geli jiray haweenka Nebiga (scw) waxay gaartey, in uu maalin iibiyay dhul qiimihiisa dhan ilaa 40 000 oo diinaar, dabadeedna uu dhulkii u qaybiyay reer Banuu Zuhra (reerka ay ka dhalatay Aminatu Bintu Wahb oo ah Rasuulka hooyadiis), masaakiinta muslimiinta iyo masaakiinta muhaajiriinta iyo haweenka Rasuulka (scw). Cabdiraxmaan markii uu diray maalkii uu u qoondeeyay Caa’isha (rc), ayaa waxay Caa’isha tiri hadalkan: "Rasuulka (scw) wuxuu haweenkiisa ku yiri: "idiinma naxayo anniga gadaasheyda aan ka ahayn kuwa saabiriinta (sabarka badan) ah mooyee".

Weligeed baaqiayeey ahayd oo ma tirtirmin ducadii Nebiga (scw) ee uu u duceeyay Cabdiraxmaan ee ahayd inuu Alle u barakeeyo maalkiisa, jeer uu ka noqday ninka ugu maalqabeensan asxaabta, uguna hanti badan. Ganacsiga iyo safarka Cabdiraxmaan waxay u dhaxeeyeen magaalada Madiina iyo magaalooyinka kale, safarkaasoo dadka u sida dhar, cunto, barafuuno iyo wax kasta oo ay dadku u baahan yihiin.

Maalintii ugu badnayd ee uu Cabdiraxmaan sadaqeysto waxay ahayd, markii ay Caa’isha (rc) tiri inuu Cabdiraxmaan Binu Cawf uu ka mid noqon doono ahlu-Janna oo uu geli doono Jannada. Wuxuu u yimid Caa’isha isagoo weydiinaya inay tiri hadalka, waxayna tiri: "Haa oo annigaa ka maqlay Nebiga (scw) inaad jannada gelaysid". Cabdiraxmaan wuxuu la booday farxad, isagoo ku yiri Caa’isha (rc) hadalkan: "hooyo waxaan ku marqaati gashanayaa in safarkan iyo gaadiidka saaran oo dhan aan u bixinayo jidka Alle".

Wixii ka danbeeyay maalintaas, wuxuu Cabdiraxmaan kordhiyay sadaqooyinka iyo gacan ka geysigii muslimiinta uu sameyn jiray. Wuxuu sadaqo ahaan u bixiyay lacag gaareysa 200.000 oo dirham oo fidah ah iyo 200.000 oo diinaar oo dahab ah, isagoo jidka Alle ku bixiyay. Waa lacag aad u fara badan. Dhinaca kale wuxuu siiyay mujaahidiintii kale lacag gaareysa 1500 oo diinaar iyo 500 oo gaadiid ah. Markii ay soo dhowaatay geeridii Cabdiraxmaan Binu Cawf (rc) wuxuu xoreeyay addoomo fara badan.

Sidoo kale wuxuu u dardaarmay asxaabtii ka qayb gashay dagaalkii Badar in la siiyo nin kasta 400 diinaar oo dahab ah, sidiina ayuu qof kasta ku helay lacagtaas. Xaasaskii Rasuulka (scw) oo maalintaas noolaa wuxuu tiiba u dardaarmay maal fara badan, ilaa ay Caa’isha markasta Cabdiraxmaan ugu duceyn jirtay ducadan qiimaha badan: "Allaha Cabdiraxmaan ka waraabiyo isha jannada ku taal ee la yiraahdo SALSABIIL".

Haddii uu Cabdiraxmaan Binu Cawf uu masaakiintii muslimiinta, addoomadii dhibaataysnaa, xaasaskii Rasuulka (scw) ugu talo galay maalkaa faraha badan, haddana waxaynu og nahay inuusan iloobin reerkiisii, oo wuxuu iyagu u dhaafay maal fara badan, maalkaasoo ay adag tahay in la tiriyo. Wuxuu reerkiisa uga tagey 1000 neef oo geel ah, 100 fardo, 3000 neef oo ari ah.

Xaasaskiisii afarta ahaa dhaxalkii mid walba ay heshay waxay dhammeyd ilaa 80 000 oo diinaar. Waxaasoo dhan oo maal ah waa barakadii ducadii Nebiga (scw) uu u duceeyay Cabdiraxmaan. Hase ahaatee, maalkaas ma uusan fidneyn Cabdiraxmaan, sidoo kale mana uusan beddelin. Cabdiraxmaan lagama soo dhex saari jirin isaga iyo shaqaalihiisa u shaqeeya, tawaaduc badni awgeed. Maalin maalmaha ka mid isagoo soomanaa ayaa loo keenay cuntadii afurka. Wuu eegay, markaasuu yiri: "waxaa maanta la dagaalkii Uxud lagu dilay Muscab binu Cumeyr isagoo iga kheyr badan. Ma aanan helin kafantii ugu kafni lahayn aan ka ahayn maro yar oo haddii aan madaxa ka saarno, ay lugihii muuqanayaan, haddii aan lugihii kafanta ka saarnana mnadaxii uu muuqanayo.

Adduunyadii ayaa naloo fidiyay barwaaqadeedii, waxaan ka cabsanayaa in abaalmarkeenii adduunyada aan ku qaadano". Intaa ka dib, Cabdiraxmaan wuxuu bilaabay inuu aad u ooyo, cuntadiina uuna waxna ka cunin. Alla ayaan badanaa Cabdiraxmaan Binu Cawf, waayo isagoo dunidan saaran ayaaba Jannada loogu bishaareeyay. Janaasada Cabdiraxmaan waxaa xanbaaray Sacad Binu Abii Waqaas, waxaana ku tukaday Cusmaan Binu Caffaan (rc). Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu ka raalli noqdo Cabdiraxmaan, sidoo kalena u naxaraxiisto dhammaan asxaabtii usoo halgantay diintan Ilsaamka aamiin.















Assalaamu Caleykum Ku soo dhawoow (hormoodkii islamka iyo mujahidiinti)qaybta V


الحمد لله .. والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه ومن والاه

USAAMA BINU ZEYD

"Usaama aabihiis Rasuulka (scw) wuu ka jeclaa adiga aabahaa, isaga ayuu adigana kaa jecel yahay Rasuulka" Hadalkii Cumar uu ku yiri wiilkiisa

Waa sannadkii lixaad ee hijriyada kahor. Goobtuna waa magaallada Makka. Wuxuu Rasuulka (scw) ka sheeganayay dhibaatooyinkii iyo hagardaamooyinkii kaga imaanayay gaallada qureysh isaga iyo asxaabtiisa, isagoo uu Rasuulkuna (scw) waqtigaas ku howlanaa gaarsiinta iyo fidinta dacwada islaamka.

Dhalasho farxad leh

Rasuulka (scw) oo ku sugan xaaladdaas, ayaa waxaa soo gaaray war ka farxiyay. Waxaa u yimid qofkii ku bishaareenayay inay Ummu Ayman ay dhashay wiil. Dhalashada wiilkaas ayaa waxaa si aad leh ugu farxay Rasuulka (scw), iyadoo ay wejigiisana ay si weyn u hareereesay farxaddaas. Taloow yuu noqon doonaa wiilkaas nasiibka badan ee uu dhalashadiisa ku farxay Rasuulka (scw)? Haddaba, aqristow wiilkaas waa saxaabiga aan soo bandhigayno sheekadiisa. Waa saxaabiga la yiraahdo Usaama Binu Zeyd ee loogu magac dari jiray "kii uu jeclaa Rasuulka (scw)".

Asxaabta lama aynan la yaabin sirta ka danbeysa ee keentay inuu Rasuulku (scw) ku farxo dhalashadii Usaama Binu Zeyd. Maxaa yeelay waxay ogaayeen xiriirka qotada dheer ee uu Rasuulka (scw) la wadaagay waalidka Usaama. Usaama hooyadiis waxaa la yiraahdaa Barakatu Al-Xabasha looguna kunyoodo "Ummu Ayman". Ummu Ayman waxay addoon u ahayd Aamina Bintu Wahab oo ahayd Rasuulka (scw) hooyadiis. Kolkii ay dhimmatayna hooyadiis waxaa Rasuulka (scw) barbaariyay Ummu ayman, iyadoo wanaajisay xanaanaynta Rasuulka (scw).

Jaceylkii Rasuulka (scw) ee Usaama

Sidaa darteed, qaddarin iyo maamuus aad u weyn ayuu Rasuulka (scw) u hayay Ummu Ayman. Aad iyo aad ayuu u jeclaa. Wuxuu u ixtiraami jiray sida inay dhashay oo kale oo ay tahay hooyadiis. Wuxuu Rasuulka (scw) inta badan oran jiray hadal macnihiisu ahaa " Ummu Ayman waa hooyaday marka laga reebo hooyaday kadib, waxay ka hartay ahlu-baytkayga". Waa taa hooyadii sharafta badneyd ee dhashay wiilkii nasiibka badnaa ee uu sida weyn ugu farxay dhalashadiisa.

Haddaba, haddaan ogaannay Usaama hooyadiis, waxaa misna habboon inaan baranno aabihii Usaama. Waa saxaabigii sidoo kale uu aadka u jeclaa Rasuulka (scw) ee la oran jiray Zeyd Binu Xaaritha, sidoo kalena aabihiis loogu magac dari jiray magaca Rasuulka (scw) kahor intuusan iman islaamka. Dhinaca kale, Zeyd wuxuu ka mid ahaa xog-hayeenadii Rasuulka (scw) ee uu sirahiisa ku qarsan jiray, sidoo kalena ku soo barbaaray gurigii Rasuulka (scw). Sharaf iyo wanaag waxaa Zeyd ugu filan in magaciisa lagu xusay qur'aanka kariimka ah, iyadoo muslim kasta oo aqriya qur'aanka xusayo magaciisa, isla mar ahaantaasna ajar iyo xasanaad ka helayo xuska iyo sheegitaanka magaciisa.

Saan horey u sheegnay, guud ahaan asxaabta Rasuulka (scw) waxay ku farxeen bishaaradii dhalashada Usaama Binu Zeyd farxad aynan sidiisoo kale ayan horey ugu farxin. Maxaa yeelay, tarbiyaddii ay ka qaateen Rasuulka (scw) ayaa tilmaamaysay inay ku farxaan dhammaan wixii farax geliya Rasuulka (scw), sidoo kalena ay dhibsadaan wuxuu dhibsado. Asxaabtii waxay ugu magac dareen Usaama magacan "wiilkii la jeclaa ee uu dhalay kii isna la jeclaa". Bixinta magacaas kama aynan ahayn asxaabta mid ay macno la'aan ay isaga yiraahdeen, ee waxay u yiraahdeen maadaama uu jeclaaday Rasuulka (scw) sidaa si la mid ahna uu u jeclaa aabihiis Zeyd Binu Xaaritha ayeey magacaas ugu doorteen.

Saxaabiga ugu da'da yar


Ilaahay ha ka raalli noqdee, wuxuu Usaama Binu Zeyd ka mid ahaa dhalinyaradii asxaabta ugu da'da yaraa, waxayna isku da' ahaayeen wiilkii uu awoowga u ahaa Rasuulka (scw) ee la oran jiray Xasan ayna dhashay Faatima Bintu Rasuulillaah. Xasan Binu Cali wuu caddaa, muuqaal qurxoona wuu lahaa, wuxuuna aad ugu ekaa awoowgiis Rasuulka (scw). Hase ahaatee, Usaama maadaama ay hooyadiis ka soo jeedday Xabasha (afrika) wuxuu lahaa midab maariin, lehna san weyn, wuxuuna aad ugu ekaa hooyadiis Ummu Ayman.

Inkastoo ay saas kala ahaayeen, haddana Rasuulku (scw) dhinaca kalgacaylka iyo jacaylka kuma kala sooci jirin labada wiil. Rasuulka (scw) wuxuu labadiisa gacmood mid uu ku qaban jiray Usaama, markaasuu wuxuu saari jiray mid ka mid ah booddadiisa, halka gacanta kalena uu ku qaban jiray Xasan markaasuu isna wuxuu ku fariisan jiray booddada kale, markaasuu si wadajir ah u dhunkan jiray isagoo labadooda u duceenaya oo leh "Ilaahayoow waan jeclaaday ee adigana jecloow".

Jacaylkii weynaa ee uu Rasuulka (scw) u qabay Usaama Binu Zeyd waxay gaartay inuu maalin maalmaha ka mid ah uu arkay Usaama oo yimid albaabkii guriga Rasuulka, markaasna uu wejigiisa dhaawac ka soo gaaray, uuna dhiig ka daadanayo. Wuxuu Rasuulka (scw) u baaqay xaaskiisa Caa'isha inay ka tirtirto ama ka masaxdo dhiigii ka socday wejigiisa, hase ahaatee ma aynan jeclaysan Caa'isha inay samayso. Rasuulka (scw) ayaa intuu istaagay ka masaxay oo ka tirtiray dhiigii ka socday Usaama, isagoo ku oranayayna hadallo naxariis leh oo uu ku dejinayay wiilkan yar ee dhaawaca soo gaaray.

Rasuulka (scw) siduu u jeclaa Usaama yaraantiisa, ayuu misna u jeclaa markii uu noqday dhalinyaro. Mid ka mid ah madaxda qureysh oo lagu magacaabi jiray Xakam Binu Xizaam ayaa u soo hadiyeeyay Rasuulka (scw) xariir aad qaali u ah oo uu ka soo gatay Yeman. Rasuulka (scw) ma uusan qaadan haddiyaddii. Hal mar ayuu gashaday, waxayna ahayd maalin jumco ah, dabadeedna wuxuu siiyay xariirtii Usaama, isagoo ku xaragoonaya uuna la socdo dhalinyaradii muhaajiriinta iyo ansaarta ayuu magaallada kula wareegi jiray. Usaama markii uu qaangaaray waxaa ka soo muuqatay sifooyinkii suubbanaa ee keentay inuu muteysto in loogu magac daro "kii uu jeclaa Rasuulka (scw)".

Usaama Binu Zeyd Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu lahaa caqli qoto dheer, geesinimo xad-dhaaf ah, xikmad uu ku kala miisaamo ummuuraha, dhowrsanaan oo aan aqbalin dulliga iyo daciifnimada, dadka soo jiita ayna dadka jecel yihiin, Alle ka cabsi badan oo ku dadaala xalaasha aadna u jecel Allihiisa.

Usaama Binu Zeyd Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu lahaa caqli qoto dheer, geesinimo xad-dhaaf ah, xikmad uu ku kala miisaamo ummuuraha, dhowrsanaan oo aan aqbalin dulliga iyo daciifnimada, dadka soo jiita ayna dadka jecel yihiin, Alle ka cabsi badan oo ku dadaala xalaasha aadna u jecel Allihiisa.

Maalintii dagaalkii Uxud Usaama oo ay la socdaan qaar ka mid ah dhalinyarada asxaabta ayaa waxay u yimaadeen Rasuulka (scw), iyagoo markaas doonaya in loo fasaxo inay ka qayb galaan jihaadka. Rasuulka (scw) wuxuu dhalinyaradii ka qaatay qaar ka mid ah, halka kii aan qaan-gaarinna uu ka reebay ka qayb qaadashada jihaadka. Kuwii la soo celiyay waxaa ku jiray Usaama Binu Zeyd, wuxuu soo laabtay, isagoo labadiisa indhood ay ka burqanayaan ilmo badan, murugada uu ka naxay inuusan ka qayb gelin jihaadka.



Dagaalkii ugu horeeyay uu ka qaybgalo Usaama

Markii la gaaray maalintii dagaalka Khandaq ama Axzaab, waxaa sidoo kale markale u yimid Rasuulka (scw) Usaama oo ay la socdaan qaar ka mid ah dhalinyarada asxaabta. Usaama ayaa si kor ahaan u qooraansaday, bal si loogu oggolaado inuu ka qayb galo jihaadka. Rasuulka (scw) ayaa u dabcay isaga, dabadeedna wuxuu u oggolaaday inuu ka qayb galo jihaadka. Isagoo shan iyo toban jir ah ayuu qaatay seefta isagoo jidka Alle ku duullaya.

Maalintii dagaalkii Xuneen, waa dagaalkii lagu jebiyay muslimiinta waxaa sugnaaday Usaama Binu Zeyd oo uu la socdo Cabbaas Binu Cabdil-Mudhalib oo ahaa Rasuulka (scw) adeerkiis iyo Abii Sufyaan Binu Xaaritha iyo lix kale oo ka mid ahaa asxaabta kuwooda ugu sharafta badnaa. Wuxuu Rasuulka (scw) awooday isagoo wata ciidankan tirada yar ee rumeysan Rabbigooda inay jabkii muslimiinta ay u rogaan gargaar iyo guul, iyo inay muslimiintii cararay ka badbaadiyaan dhagarta kaga iman gartay mushrikiinta.

Markii la soo gaaray maalintii dagaalkii Mu'ta waxaa sidoo kale dagaalamay Usaama Binu Zeyd isagoo garab socda calankii uu siday aabihiis oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii dagaalkaas ee ka koobnaa saddexda nin. Markaan uu Usaama dagaalamayo da'diisu ma gaarin 18 jir. Wuxuu si fool-ka-fool ah u arkay dilkii aabihiis oo ku shahiiday dagaalkii Mu'ta. Hase ahaatee ma laciifin oo ma niyad jabin, balse wuxuu sii ballaariyay dagaalkii uu waday isagoo hoos socday calankii uu siday Jacfar Binu Abii Daalib oo ahaa Rasuulka (scw) ina adeerkiis, jeer isna laga dilo oo uu sidaas ku shahiido. Sidoo kale, wuxuu garab istaagnaa hoggaamiyihii isla ciidankaas ee saddexaad ee Cabdillaahi Binu Rawaaxa jeer isna laga dilo oo uu dagaalka ku shahiido.

Usaama Binu Zeyd wuxuu ku soo laabtay magaallada Madiina, halka aabihiisna uu ku shahiiday dagaalka. Markii uu soo galayay magaallada wuxuu Usaama saarnaa faraskii uu aabihiis saarnaa markii la dilayay.



Hoggaamiye ciidan

Sannadkii 11-aad ee hijriyada, wuxuu Rasuulka (scw) amar ku bixiyay in ciidan loo diyaariyo ciidankii roomaanka ee hoggaaminayay Hiraqle, wuxuuna ciidankaas ku daray saxaabada odayaashooda sida Abuubakar, Cumar, Sacad Binu Abii Waqaas, Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax iyo saxaabo kale oo fara badan. Wuxuu Rasuulka (scw) ciidankaas madax uga dhigay wiilkii xikmadda iyo caqliga badnaa ee Usaama Binu Zeyd, xilligaas iyada ahna da'diisu ma aynan dhaafin 20 jir.

Ciidankii oo ku jira is diyaarinta, ayaa waxaa xanuunsaday Rasuulka (scw), wuuna sii kordhay xanuunkii iyo cudurkii Rasuulka (scw) hayay. Sidaa darteed, ciidankii muslimiinta waxay dib u dhigeen duullimaadkii ciidanka, iyagoo doonayay inay ka war-dhooraan xaaladda uu ku danbeyn doonno Rasuulka (scw). Usaama wuxuu yiri "markii uu xanuunkii ku sii siyaaday Rasuulka (scw) waxaan u imid Rasuulka (scw), dadkuna way i soo raaceen. Markaan u soo galay, waxaan oggaaday inuu aamusay oo uusan hadli karin, xanuunka daran haya awgeed. Gacantiisa ayuu xagga samada kor ugu qaaday, markaasuu haddana anniga dusheyda saaray, waan gartay inuu ii duceenayo".

Wax yar kamaba soo wareegan jeer uu markii danbe Rasuulka (scw) ka geeriyoodo, waxayna muslimiinta intaa kadib khilaafada u doorteen Abuubakar, dabadeedna howshii ugu horeysay ee lagu dhaqaaqo dowladdii Abuubakar waxay noqotay aaskii Rasuulka (scw) iyo inuu fuliyo amarkii Rasuulka (scw) ee ahaa in la diro ciidankii Usaama. Hase ahaatee, koox ka mid ah ansaarta ayaa waxay soo jeediyeen in dib loo dhigo arrinta ciidanka, waxayna ka codsadeen Cumar Binu Al-Khadaab inuu bal la hadlo Abuubakar, iyagoo ku yiri "haddii uu diido waxaan ka ahayn in ciidanka la diro, waxaad naga gaarsiisaa inuu talada ciidanka noogu dhiibo nin ka da' weyn Usaama".

Kolkii ay gaartay Abuubakar dhambaalkii uu siday Cumar ee ay soo jeediyeen koox ka mid ah ansaarta waxaa si aad leh uga carooday arrintaas Abuubakar. Fadhigii uu fadhiyay ayuu ka kacay markuu maqlay hadalkaas, kadibna wuxuu si caro leh u qabtay garkii Cumar Binu Khadaab isagoo ku yiri "hooyadaa ku weysay Cumaroow..., waxaa Usaama madax u doortay Rasuulka (scw) adigana waxaad i faraysaa inaan ka qaado jagadaas?! Wallaahi ayaan ku dhaartay inay dhacaynin taasi". Cumar markii uu ku soo laabtay nimankii u soo dhiibtay dhambaalkaas, waxay weydiiyeen wixii uu la kulmay, wuxuuna ku yiri "iska taga oo baxa hooyadiin idin weysaye, anniga unbaa og wixii idinka dartiin aan kala kulmay khaliifkii Rasuulka (scw)".

Ciidamadii uu hoggaaminayay wiilkii dhalinyarada ahaa waxay billaabeen inay anbabaxaan. Waxaa ciidankii sogeetiyay khaliifkii Rasuulka (scw) oo dhulka socdo, iyo Usaama oo saaran awrkiisa. Usaama ayaa ku yiri Abuubakar "khaliifkii Rasuulka Allow waxaan ku dhaaranayaa inaad halkan fuulayso annigana aan soo deggayo". Abuubakar ayaa ku yiri "wallaahi inaadan soo deggayn, annigana aan koreynin.., ", kadibna sidii ayuu Abuubakar u sogootiyay ciidankii Usaama, isagoo u dardaarmay inuu fuliyo dardaarankii Rasuulka (scw). Dhinaca kale, wuxuu Abuubakar ka codsaday Usaama inuu Cumar u fasaxo inuu isaga la joogo, wuuna u fasaxay Usaama. Waa tusaale aad u wanaagsan oo aan ka baranayno ardaydii ka soo baxay madaaristii iyo hanuunkii Rasuulka (scw). Waa khaliifkii ama madaxweynihii muslimiinta ninka sidaas leh.


Guullo waaweyn

Ciidankii uu hoggaaminayay Usaama Binu Zeyd ayaa sidii ku kicitimay, wuxuuna Usaama fuliyay dardaarankii uu faray Rasuulka (scw). Fardihii muslimiinta ay wateen waxay jaxaabeen ama ay cagta mariyeen magaalooyinka Balqaa ee ka tirsanaa falastiin iyo sidoo kale qalcada lagu magacaabo Al-daaruumi oo iyadana ka tirsan falastiin. Ciidankii Usaama waxay cabsi weyn ku abuureen ciidamadii roomaanka ee waqtigaas ka talinayay dhulka Shaam ee sidaan sheegnay uu madaxa u ahaa Hiraqle, iyagoo waddada u xaaray sidii ay u furan lahaayeen magaalooyinka kale ee ku yaalay Shaam iyo Masar iyo waqooyiga Afrika ilaa laga soo gaaro badweynta hadda loo yaqaano badweynta atlantic-ada.

Ilaahay ha u naxariistee Usaama Binu Zeyd wixii intaa ka danbeeyay wuxuu soo laabtay isagoo saaran faraskii uu lahaa aabihiis kadib markuu ku shahiiday dagaalkii Mu'ta, isagoo sidana markaas qanaa'imtii ama hantidii faraha badnayd ee ay intay muslimiintii fara badnideeda la yaabeen yiraahdeen "lama arag ciidan ka nabad gashoon kana hanti badnaa ciidankii uu hoggaaminayay Usaama". Dhammaan muslimiintii ayaa qaddarin iyo maamuus weyn u hayay Usaama intuu noolaa oo dhan, isagoo lagu ammaanayay siduu u fuliyay ballamihii uu la galay Rasuulka (scw) iyo awooddii shakhsiyadeed ee uu lahaa.


Dhacdo uusan Usaama weligiis hilmaamin

Inkastoo wacdarooyin fara badan uu wiilkii dhalinyarada ahaa ka muujiyay duulimaadyo badan oo uu muslimiinta kala qayb taaya dagaallo kala duwan, haddana waxaa dagaalladaas ku jiray mid uusan hilmaamin ama iloobin intuu dunida saarnaa oo dhan. Waxay ahayd labo sanno kahor intaanan la oofsan Rasuulka (scw). Wuxuu Rasuulka (scw) diray koox ilaalo ah oo gacanta ku soo dhigta gaallada kuwooda sida daran dhibaatada ugu hayay islaamka iyo muslimiinta. Kooxdaas ilaallada ahayd waxaa madax looga dhigay Usaama. Waa markii ugu horeysay ee uu Usaama hoggaamiye loogu dirto koox ciidan ah. Kooxdii ilaallada ahayd howshoodii waxay ku soo gabagabootay guul, guushaasna waxaa si weyn ugu farxay Rasuulka (scw). Bal Usaama laf ahaantiisa aan ka dhagaysano wixii uu dagaalkaas kala kulmay maalintaas.

".... waxaana ballan ku galay inaan wixii hadda ka danbeeya aanan la dagaalamin qofkii ku dhawaaqa shahaadada ee yiraahda Laa Ilaaha Illallaah kadib markaan sidaas Rasuulka (scw) ka maqlay" Usaama Binu Zeyd

Usaama wuxuu yiri: "waxaan u imid Rasuulka (scw) annigoo ugu bishaareenaya guushii aan helnay. Rasuulka (scw) wejigiisa waxaa ka soo muuqday farxad weyn, wuu ii soo dhowaaday, wuxuuna igu yiri bal ii waran. Waxaan billaabay inaan uga sheekeeyo siduu dagaalka u dhacay. Waxaan u sheegay markii ciidanka gaallada ay jabeen inaan gacanta ku dhigay nin ka mid ah iyaga, markaan warankii aan watay aan damcay inaan ku dilo ayuu yiri Laa Ilaaha Illallaah, hase ahaatee kama aanan dhageysan oo waan dilay. Markaan intaas iri, waxaa markiiba doorsoontay wejigii Xabiibka Rasuulka (scw), wuxuuna igu yiri maxaa kugu dhacay Usaama..!, maxaad ku oran doontaa Laa Ilaaha Illallaah??. Dhowr jeer ayuu hadalkaas ku soo celceliyay Rasuulka (scw) jeer aan ka jeclaado inaan diinta islaamka hadda koow ka soo billaabo, waxaana ballan ku galay inaan wixii hadda ka danbeeya aanan la dagaalamin qofkii ku dhawaaqa shahaadada ee yiraahda Laa Ilaaha Illallaah kadib markaan sidaas Rasuulka (scw) ka maqlay".

Falkaas waxay Usaama u noqotay dersi uusan weligiis hilmaamin, taasoo tilmaamaysa caddaaladda iyo insaaniyadda Rasuulka (scw). Xitaa qofkii gaalka ahaa ee laga yaabayay inuu oraahdaas naftiisa ku badbaadinayay wuu diiday Rasuulka (scw) in la dilo kadib markii uu ku dhawaaqay shahaadada. Waa dhab inuu Usaama dhacdadaas ka qaatay dersi aad u weyn. Xilligii ay dhacday fidnadii dhexmartay Cali Binu Abii Dhaalib oo ay taageerayaashiisa weheliyaan iyo Mucaawiye oo isna ay weheliyaan taageerayaashiisa, waxaan og nahay inuu Usaama dhexdhexaad ka ahaa labadaas kooxood.

Inkastoo Usama ay ula muuqatay inuu xaqa la jiro Cali, haddana wuxuusan marna ku dhicin inuu seeftiisa ula baxo qof muslim ah oo rumeeyay Alle iyo rusushiisa. Qaar ka mid ah asxaabtiisa ayaa u yimid, iyagoo ku boorinaya inuu iyaga la safto, hadalladii cad-caddaa ee uu ku yiri waxaa ka mid ahaa "annigu la dagaallami maayo qof yiri Laa Ilaaha Illallaah". Mid ka mid ah nimankaas ayaa ku yiri "soow Alle ma oran: la dagaallama jeer aan laga helin gaalnimo (fidno) una ahaato diintu dhammaan Eebbe (sw).." aayadda 39 suuradda Al-anfaal. Usaama wuxuu ugu jawaabay "kuwaas laga hadlayay waa mushrikiinta, waana la dagaallanay jeer laga waayay fidno, diintuna dhammaan ay u sugnaatay Eebbe (sw)".


Mushaar dheeri ah

Dowladdii khilaafada Cumar, wuxuu Cumar uga qoray Usaama bankiga dhexe ee muslimiinta mushaar ka badan intii uu qaadanayay wiilkii uu dhalay Cumar ee la oranayay Cabdullaahi, isagoo Cabdullaahi arrintaas ka biyo-diiddanna wuxuu aabihiis ku yiri " aabe, waxaad Usaama u qortay lacag gaaraysa 4000, halka aad annigana iga siisay 3000, mana arki waxa uu aabihiis uu adiga ku dheer yahay, dhinaca kalena isaga (Usaama) laf ahaantiisa wuxuu i dheer yahay ma jiraan". Cumar ayaa wiilkiisa ku yiri "waxaad sheegtay waa kaaf-iyo-kala-dheeri, Rasuulka (scw) Usaama aabihiis ayuu ka jeclaa adiga aabahaa, isna (Usaama) ayuu Rasuulka (scw) adiga kaa jeclaa". Markii uu hadalkaas maqlay Cabdullaahi wuu ku qancay hadalkii uu aabihiis ku yiri, isagoo ku raalli noqdayna qaybtii looga qoondeeyay bankiga dhexe ee muslimiinta.

Maamuuskii Cumar ee Usaama

Cumar Binu Khadaab Ilaah ha ka raalli noqdee si goonni ah ayuu maamuusi jiray Usaama. Kolkii uu la kulmo wuxuu ku oran jiray "soo dhawoow amiirkaygow", markii uu arko qof la yaabaya hadalkaasna wuxuu ku oran jiray "waxaa amiir iigu dooray Rasuulka (scw)." Sannadkii 54-aad ee hijriyada wuxuu Usaama isagoo aad ugu hilowsan ugu dheelmaday la kulanka Eebbe (sw), sidaasna ayuu ku geeriyooday.

Ugu danbeyntii, waxaan Ilaah ka baryaynaa inuu u naxariisto kana raalli noqdo Usaama Binu Zeyd, taariikhda islaamka way ku yareyd in la helo qof kulansaday sifooyinkii suubbanaa ee uu lahaa Usaama Binu Zeyd.





















Assalaamu Caleykum Ku soo dhawoow (hormoodkii islamka iyo mujahidiinti) qaybta IV

CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIY

الحمد لله .. والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه ومن والاه


Saxaabi kasta, taariikh nololeedkiisu wax un buu caan ku ahaa. Matalan, waxaynu wada ognahay in Saciib Binu Caamir Al-Jumaxi (rc) uu caan ku ahaa zuhdiga iyo in la naco dhaldhalaalka adduunyada. Haddaba, Cabullahi Binu Xudaafi Al-Sahmi wuxuu isagu caan ku ahaa geesinnimo iyo in aan loo jixin-jixin cadowga Alle. Diinta Islaamka, waxay u suurto gelisay Cabdullahi in uu la kulmo labadii boqor ee jiray wakhtigaas ee kala ahaa Kisraa iyo Qaysar oo kala xukumi jiray Faaris iyo Ruum. Nasiib wanaag, Cabdullahi Binu Xudaafa wuxuu nasiib u yeeshay inuu la kulmo labadaas boqor.

Sheekada la xiriirta la kulankiisa uu la kulmay boqorka Kisraa, waxay ahayd sannadkii lixaad ee hijriyada, ka dib markii uu go’aansaday Rasuulka (scw) inuu u diro qaar ka mid ah asxaabta boqorada cajamta (aan carabta ahayn), si ay ugu yeeraan Diinta Islaamka. Rasuulka wuu dareensanaa dhibaatada ay wadato howshan. Waayo, Saxaabada loo dirayo magaalooyinkaas waa dad aan aqoon luqadaha ay ku hadlaan dadyowgaas, waa magaalooyin fog-fog, taasoo ayan weligood arag. Saxaabadaa waxay dadkaa iyo boqorradadoodaba ugu yeerayaan inay ka tagaan diimaha ay heystaan, isla markaasna ay qaataan diinta Islaamka. Waa safar wata khatar. Waa safar kii safra aan soo noqon, kii soo noqdana uu noqonayo mid nasiib badan. Sidaa darteed, Rasuulka (scw) wuxuu kulmiyay saxaabada, isagoo u jeediyay khudbad. Ilaah ayuu ku mahadiyay, dabadeedna wuxuu Saxaabada ku yiri "Waxaan doonayaa inaan qaarkiin u diro boqorrada cajam ee sidaa darteed ha i khilaafina, sidii ay reer Banuu Isra’il ay u khilaafeen Nebigooda Ciise (cs). Asxaabtii ayaa yiri "Rasuulkii Alloow meeshaad doonto noo dir waan fulinaynaa’e" Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu magacaabay 6 qofood oo ka mid ah asxaabta si ay diinta Islaamka u gaarsiiyaan boqorrada Cajam iyo carbeed.

Lixdii qof ee la magacaabay waxaa ku jiray Cabdullahi Binu Xudaafa Al-Sahmi, waxaana loo doortay inuu gaarsiiyo dhambaalka Rasuulka boqorka Kisraa. Cabdullahi wuxuu u diyaar garoobay safarkiisii, isagoo sagootiyay xaaskiisa iyo caruurtiisa, ka dibna wuxuu u kicitimay safarkii. Waa kelligii oo axad aan Ilaah ahayn lama socdo wuu sii socday ilaa uu ka gaaray magaalooyinka reer Faaris. Markii uu yimi magaaladii uu deganaa boqorka Kisraa, wuxuu weydiistay in uu u soo geli karo boqorka isagoo weliba u sheegay ciidanka Kisraa in uu sido dhambaal ama waraaq ku socoto Kisraa. Boqorka Kisraa wuxuu u fasaxay inuu u soo geli karo Cabdullaahi. Sidii ayuu ku soo galay Cabdullahi Binu Xudaafa oo ay weliba ka muuqato sharafta iyo cisada Islaamka. Kisraa ayaa wuxuu u baaqay ama u ishaaray nin ka mid ah ciidamadiisa inuu ka soo qaado waraaqda uu sido. Hase ahaatee wuu diiday Cabdullahi inuu dhiibo waraaqda, wuxuuna yiri "Rasuulkii Alle ayaa wuxuu i faray inaan gacanta kaa saaro waraaqda, mana laga yaabo inaan khilaafo amarka Rasuulka (scw)". Intaa ka dibna boqorka Kisraa ayaa wuxuu ku yiri ninkii faraha ka qaad ha ii soo dhowaado’e, ka dibna wuxuu Cabdullahi u dhiibay Kisraa waraaqdii uu uga siday Rasuulka (scw). Waxaa loo yeeray tarjumaan Carabi ah ee ah reer "Xiyara" (magaalo ku taalla Ciraaq).

Waraaqdii ayaa la furay, deedna waa la aqriyay waxaana ku qornaa sida soo socota "Magaca Alle ka dib, warqaddan waxay ka socotaa Muxammad oo ah Rasuulkii Alle, waxayna ku socotaa Kisraa ee ahaa boqorkii Faaris, Nabad gelyo Allaha yeelo ciddii raacda hanuunka". Markii uu intaa maqlay Kisraa aad ayuu u carooday, waraaqdiinna wuu ka dafay oo isla markiiba wuu jeejeexay, isagoo aan ogaan waxa kalee waraaqda ku xiran dhameystirkeeda, isla markaana uu qalylinayo isagoo leh "Ma sidatan ayuu waraaqda iigu soo qorayaa waraaqda isagoo ah addoonkayga"

Binu xudaafa wuxuu ka dhaqaaqay fadhigii uu Kisraa fadhiyay, isagoo aan garanayn waxa lagu sameyn doono. In la dili doono iyo in faraha laga qaadi doono. Hase ahaatee, wuxuu Cabdullaahi naftiisa ku yiri "Waxba igama gelin marba haddiiba aan gutay amaanadii iyo dhambaalkii Rasuulka (scw) ee uu ii soo dhiibay. Boqorkii Kisraa, markii ay carada ka dentay ayaa wuxuu ciidamadiisa amar ku siiyay in la soo qabto Cabdullaahi Binu Xudaafa. Nasiib wanaag, ma ayan soo helin oo waxay ogaadeen inuu gaaray Jasiiradda Carabta. Cabdullaahi Binu Xudaafa, wuxuu yimi magaaladii Madiina, isagoo la kulmay Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw) uga waramay wixii uu kala kulmay boqorkii Kisraa iyo inuu jeejeexay waraaqdii uu u siday. Rasuulka (scw) aad ayuu uga carooday arrinkaa, wuxuuna Illaah ka baryay inuu ciribtiro boqortooyada Kisraa. Habaarkii Rasuulka (scw) waa la aqbalay, oo wuxuu Illaah ku salliday (sababay) Kisraa wilkiisa "Shiiraweeh", halkaas oo uu ku dilay. Taasi waxay ahayd sheekadii dhexmartay Cabdullaahi Binu Xudaafa iyo boqorka Kisraa.



La kulankii C/llaahi ee Qaysar:

Haddaan u gudagalno sheekadii Cabdullaahi Binu Xudaafaee la xiriirtay la kulankiisa boqorka Qaysar ee xukumay Ruum. Waxay ahayd xilligii khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc), sannadkii sagaal iyo tobanaad ee Hijriga. Wuxuu Cumar Binu Khaddaab (rc) diyaariyay ciidan la dagaalanta ciidanka Roomaanka ee uu xukumay boqorka Qaysar. Boqorka Qaysar wuxuu ciidanskiisa amar ku siiyay in haddii ay ku guuleystaan in ay soo qabtaan qof ka mid ah ciidamada Muslimiinta ay u keenaan, ka hor inta ayan dilin. Illaahay, wuxuu doonay in la soo qabto Cabdullaahi binu Xudaafa, waxaa loo keenay boqorka Qaysar, iyadoo boqorka loo sheegay inuu C/llaahi Binu Xudaafa ka mid yahay saxaabadii Nebiga (scw) ee mar hore islaamay.

Boqorka Qaysar wuxuu si aad ah u eegay Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu ku yiri "Waxaan kuu bandhigayaa arrin". Cabdullaahi ayaa ku iri "waa maxay!?". Boqorka Qaysar: "In aad noqoto kirishtaan, haddii aad yeesho faraha ayaan kaa qaadayaa oo ku dili maayo, dhinaca kale waan ku wanaajinayaa". Cabdullaahi Binu Xudaafa ayaa si geesinimo ku jirta u yiri "Lagama yaabo! geerida ayaa kun jeer ka jeclahay inaan kirishtaan noqdo".

Boqorka Qaysar ayaa haddana yiri "Haddii aad yeesho waxa aan kuugu yeerayo ee galnimada ah waxaan qayb kaa siinayaa boqortooyadayda". Cabdullaahi ayaa muusooday isagoo weliba ku xir-xiran silsilad, wuxuuna yiri "Wallaahi, haddii aad iigu deeqdid dhammaan wixii hanti ah ee aad leedahay, iyo waxa ay boqorrada carabta haystaan oo maal ah si markaas diinta uga laabto il-biriqsi ma aan sameeyeen". Boqorkii ayaa wuxuu yiri "Haddaba, waan ku dilayaa". Cabdullaahi ayaa yiri "waxaad doonto samee". Intaa ka dib, boqorka Qaysar wuxuu amar ciidamadiisa ku siiyay in la daldalo Cabdullaahi, isagoo amar siiyay nimankiisa wax toogta/shiisha, isagoo kula hadlay afka laatiinka ee ay ku hadli jireen Roomaanka, wuxuuna ku yiri toogta meel u dhow labadiisa gacmood, laakiin isaga ha ku dhufanina". Isla mar ahaantaana wuxuu u bandhigayay inuu gaaloobo. Cabdullaahi, haddana wuu diiday. Boqorka, ayaa haddana yiri toogta meel u dhow labadiisa lugood.
Intaa ka dib, wuxuu boqorka amar ku bixiyay in laga soo dejiyo tiirkii uu ku xirnaa, ka dibna wuxuu codsaday in loo keeno dheri. Dherigii ayaa waxaa lagu shubay saliid, dabadeedna dherigii ayaa dabka la saaray ilaa ay saliiddii ka karkarto. Wuxuu yiri boqorkii, ha la ii keeno labo ka mid ah maxaabiistii Muslimiinta. Midkood ayaa lagu riday dherigii karkayay, wax yar ka dibna hilibkiisa ayaa kala tagay oo cad-cad u gogo’ay, lafihiisana way muuqdeen. Kii kalena, sidaasoo kale ayaa lagu sameeyay. Intaasoo dhan Cabdullaahi wuu arkayaa, waxaana la doonayay inuu cabsado.

Boqorka Qaysar, ayaa wuxuu deymooday Cabdullaahi isagoo ugu yeeray gaalnimo. Hase ahaatee, Cabdullaahi sidii si ka sii daran ayuu u diiday inuu ka laabto diinta Islaamka. Markii uu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu amar ku bixiyay in isna lagu rido dherigii lagu riday labadiisa saaxiib. Markii loo qaaday xaggii dheriga ayaa Cabdullaahi ilmeeyay (ooyay). Raggii Qaysar ayaa ku yiri boqorka "wuu oonayaa". Boqorkii ayaa wuxuu u maleeyay inuu cabsaday oo argagaxay, markaasuu yiri igu soo celiya. Kolkii, Cabdullaahi la soo istaajiyay boqorka hortiisa, ayaa wuxuu boqorkii haddana u soo jeediyay kiristaanimadii, laakiinse Cabdullaahi wuu diiday. Boqorkii ayaa yiri, war haddaba maxaa kaa oohiyay?. Cabdullaahi ayaa yiri, waxaan naftaydii u sheegay in hadda la igu tuuri doono dherigan oo aan hal jeer shahiidoobayo, anna waxaana jeclaa in aan lahaado inta jirkayga timo ku taallo oo naf ah inaan lahaado, oo markaas lagu rido dhammaantood dherigan. Wuxuu ka wadaa inuu dhowr jeer shahiido.

Markuu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu ku yiri cabdullaahi "Ma doonaysaa inaad madaxa iga dhunkatid, markaasna aan ku siidaayo?. Cabdullaahi ayaa wuxuu yiri, ma siidaynaysaa maxaabiista Muslimiintana. Boqorka ayaa yiri "Haa, oo waan sii daynayaa dhammaan maxaabiista muslimiinta". Cabdullaahi, wuxuu naftiisa ku yiri maxay ku yeelaysaa inaad dhunkato madax ka mid cadowga Muslimiinta oo markaas aan ku badbaado anniga iyo maxaabiista Muslimiinta. Cabdullaahi, wuxuu u soo dhowaaday boqorkii, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxiisa. Boqorkii ayaa soo daayay Cabdullaahi iyo dhammaan maxaabiista Muslimiinta. Markii uu Cabdullaahi u soo galay Cumar Binu Khaddaab (rc), ayaa wuxuu uga waramay wixii uu la kulmay. Cumar (rc) aad iyo aad ayuu ugu farxay arrinkaas, wuxuuna u jileecay maxaabiistii la socotay isagoo ku yiri "Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu dhunkado madaxa Cabdullaahi Binu Xudaafa, annigaana bilaabaya. Cumar ayaa istaagay, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxa Cabdullaahi. Illaah ha ka raalli noqdo Cabdullaahi, waayo wuxuu ahaa tusaale looga deydo geesinimo.







 Assalaamu Caleykum Ku soo dhawoow (hormoodkii islamka iyo mujahidiinti)qaybta VI



CADDIYYU IBNU XAATIM AL-DAA’I

الحمد لله .. والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه ومن والاه


SACIID OO AAN ISLAAMIN:

Caddiyyu oo boqor ah, welibana aan islaamin:

Sannadkii sagaalaad ee hijriyada ayaa waxaa diinta Islaamka u hoggaansamay boqor ka mid ah boqorrada carbeed, ka dib markii uu in fara badan ka biyo diiday. Iimaanka ayuu u jilcay, ka dib markuu madax adeyg iyo ka jeedsi fara badan la yimid. Wuxuu Rasuulka (scw) siiyay oggolaansho buuxda, ka dib diidmo dabadeed. Ninkaas aan tilmaamnay waa Caddiyyu Ibnu Xaatim ee qabiilkiisu reer”ddaa’i-ga” ahaa kaasoo looga tusaalo qaato deeqsinimada aabihiis.

Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu boqortooyada ka dhaxlay aabihiis, reerkiisana isaga ayeey boqortooyada u caleemo saareen, sidaa darteed maalka ay tolkiisa soo dhacaan wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim saami ahaan ugu lahaa afar meelood meel. Markii uu Rasuulka (scw) la jahray dacwadii hanuunka iyo xaqa, carabtiina ay Nebiga u hoggaansatay jilibba-jilib dabadii ayaa wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim u arkay dacwada Rasuulka mid khatar gelinaysa madaxtinimada iyo boqortooyadiisa.



Sidaa darteed wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim u qaaday Rasuulka cadaawad aad u daran, iyadoo uu weliba uusan garan Rasuulka. Wuxuu xaaladdaas cadaawadeed ku sugnaa muddo gaareysa labaatan sanno, jeer uu markii danbe Alle (sw) laabtiisa ku waasiciyo nuurka iyo iftiinka hanuunka Islaamka. Haddaba, islaamidda uu soo islaamay Caddiyyu waxaa ku dhex jirta sheeko aan marnaba la illoobi karin. Aan marka isaga u deyno si uu noogu sii dhiraan-dhiriyo dhammeystirka sheekadiisa, maxaa yeelay isagaa ku habboon inuu sheekada weriyo.



Naceybkii Caddiyyu ee uu qabay Rasuulka:

Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu yiri: Ma jrin qof iga necbaa Rasuulka ka dib markaan maqlay. Waxaan ahaa nin ay dadkiisa maamuusaan, sidoo kalena waxaan ahaa nin kirishtaan (gaal ah) ah.

Waxaan ahaa nin tolkiisa ku dhex nool, oo xoolaha ay tolkiisu ka soo helaan dagaallada afar meelood meel ayaan ku lahaa, sidii ay sameyn jiraynba boqorrada carbeed. Hase ahaatee, markaan maqlay Nebi Muxammad waan la coleeytamay oo waan dhibsaday, laakiin markay arrintiisu bannaanka timid, awooddiisana ay fidday ayna bilaabeen ciidamadiisa iyo ilaaladiisa daggaalka in ay ku fideen barriga iyo galbeedka dalalka carabta ayaa waxaan ku iri wiil adeegahayga ahaa oo geellayga ii raaci jiray: ”waxaad ii diyaarisaa neefaf geel oo goolal (cayilan) ah oo weliba hayin ah, waxaadna iigu xirtaa meel ii dhow. Haddaad maqashid ciidamada ama ilaalada Muxammad oo yimid magaalada durbadiiba ii sheeg”.

Goor subax barqin ah ayaa waxaa xaggeyga soo aaday wiilkii shaqaalahayga ahaa, isagoo igu leh: ”wixii aad damacsanayd inaad sameyso haddii ay magaaladaada soo galaan fardihii iyo ciidankii Muxammad hadda sameey”. Waxaan ku iri: ”hooyadaa gablante’e maxaa dhacay?!”. Wuxuu yiri: ”waxaan arkay calamo daaf-wareegaya guryaha, markaan weydiiyay cidda ay yihiinna waxaa la igu yiri waa ciidankii Muxammad”. Waxaan ku iri, haddaba waxaad ii soo diyaarisaa geelii aan horey kuu faray”.

Isla saacaddiiba waan kacay, waxaan faray ehelkayga iyo caruurtaydaba in laga guuro dalkii aan weliggeen jeclayn. Waxaan billaabay inaan socod-boobo, anniga oo weliba ku socda dhinaca gobolka Shaam si aan u haleelo dadka aan isku diinta ahayn oo aan iyaga la deggo.

Waxaan ka soo tagay gabar aynu walaalo ahayn:

Arrinkii qaxa waxay iga deddejisay inaan raad-goobo dhammaan ehelkayga. Markaan dhaafnay meelihii khatarta lahayd ayaa waxaan isha mariyay ehelkaygii, waxaana ogaaday inaan ka soo tagay gabar aynu walaalo ahayn, iyadoo aan uga soo tagnay meeshii la oran jiray: ”NAJD”. Suurto gal iima ahayn inaan iyada u laabto, waan sii soconnay ilaa aan ka nimid dhulkii Shaam, halkiina ayaan iskala deggay dadkii aynu isku diinta ahayn. Hase yeeshee walaashay waxaa qabsaday wixii aan uga cabsanayay.

Anniga oo jooga Shaam ayaa waxaa i soo gaaray warar sheegaya in fardihii ciidamada Muxammad ay weerareen guryaheena , isla mar ahaantaana ay kaxeesteen dad ay ku jirto walaashay, iyadoo loo sii waday magaalada Madiina.

Naxariista Nebiga ee dumarka:

Gabadhii aan waalaalaha aynu ahayn waxaa lagu daray dadkii la soo qabqabtay, iyagoo la dejiyay meel u dhow iridka masjidka. Waxaa meeshii soo maray Nebiga (scw), gabadhii markay aragtay Nebiga ayaa waxay ku tiri: ”Rasuulkii Alloow aabahay wuu dhintay, kii walaalkay ahaana waa la waayey ee igu galladayso Ilaah ha kugu galladaystee”. Rasuulka ayaa ku yiri: ”waa kuma walaalkaa?”. Waxay tiri: ”waa Caddiyyu Ibnu Xaatim”. Rasuulka: ”Ma kii Alle iyo Rasuulkiisa ka cararay baa?!”, intaa ka dib wuu isaga tagay Rasuulka.

Maalintii danbe ayaa waxaa haddana soo maray Rasuulka, waxayna ku tiri hadalkeedii hore oo kale, sidii oo kale ayuuna Rasuulka ugu jawaabayay.

Maalintii saddexaad ayaa Rasuulkii soo maray, goor ay gabadhiina Nebiga ka quusatay. Hase yeeshee nin meesha fadhiyay ayaa gabadhii ku yiri, orodoo u istaag oo la hadal Nebiga, markaas ayeey istaagtay oo mar kale ku tiri: ”Rasuulkii Alloow aabahay waa dhintay, kii walaalkay ahaana waa la waayey ee igu galladayso Ilaah ha kugu galladaystee”. Rasuulka (scw) ayaa si naxariis ku jirta u yiri: ”waan falay” (macnaha dalabkaaga waan aqbalay).

Gabadhii ayaa Rasuulka ku tiri: haddaba, waxaan doonayaa inaan haleelo ehelkayga jooga Shaam”. Wuxuu yiri: ”laakiin socdaalka ha ku degdegin jeer aad ka hesho cid tolkaaga ah oo aad ku kalsoon tahay si ay kuu gaarsiiyaan Shaam, sidaa darteed haddaad heshid cid aad ku kalsoon tahay ila soo socodsii”. Markii uu damcay Rasuulka inuu dhaqaaqo, ayaa waxay gabadhii weydiisay ninkii u sheegay inay Rasuulka la hadasho, waxaana lagu yiri wuxuu ahaa Cali Binu Abii Dhaalib.

Magaaladii Madiina ayeey iska degganayd jeer ay maalintii danbe ay magaalada yimaadaan koox socoto ah oo ay ku kalsoon tahay, kolkaasna waxay u timid Rasuulka (scw) oo waxay ku tiri: ”Rasuulkii Alloow waxaan helay dad socoto ah oo tolkayga ka mid ah oo aan weliba ku kalsoonahay kuwaasoo i gaarsiinaya magaaladii ay joogeen ehelkayga. Rasuulka (scw) wuu ka aqbalay codsigeedii, isagoo arad-bixiyay, wuxuu kaloo siiyay neef geel ah oo ay ku safarto, dhinaca kalena wuxuu siiyay nafaqo ku filan inta ay safarka ku jirto. Gabadhii waxay raacdey dadkii socdaalka ahaa.

Caddiyyu wuxuu yiri: Intaa ka dib waxaan billawnay inaan raadinno wararka gabadha, iyadoo aan sugayno imaanshaheeda, innagoo weliba aan sigayno inaan rumeysano wixii naga soo gaarey ixsaankii Muxammad iyo asxaabtiisa ay u galeen walaashay. Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxaan dhex fadhiyay ehelkayga markii aan arkay haween saaran gurada awrta ayna xaggeena u soo socoto. Waxaan is iri: ma ina Xaatim baa, alla waa iyadii ayaan is iri markaan hubsaday inay iyada tahay.

Markay na dul-istaagtay oo noo timid, waxay ugula hormartay oraahdan: ”ma kii raxim-gooska ahaa ee daalimka ahaa miyaa, waxaad soo wadatay xaaskaagii iyo caruurtaada, waxaadna ka soo tagtay walaalahaaga tii ugu yareyd (waa iyada)”.

Waxaan ku iri, walaaleey waxaan kheyr ahayn ha oran, waxaan bilaabay inaan sasabo oo aan raalli geliyo ilaa ay ka raalli noqotay, ayna iiga sheekeesay wixii ay la kulantay. Wararkii ay sheegtay waa wararkii aan hore u maqalay, waxaana ku iri -waxay ahayd gabar caqli badan lehna go’aan adag-: ”maxaad ka leedahay arrinka ninkan (wuxuu ka wadaa Nebi Muxammad scw).

Waxay tiri: ”wallaahi waxaan arkaa inaad sida ugu dhaqsaha badan aad u haleesho, hadduu Nebi yahay waa kii loo degdegi lahaa fadligiisa, hadduuse boqor yahay agtiisa dulli marnaba kuma noqonaysid”.

Waxyaabihii saameeyay islaamka Caddiyyi Ibnu Xaatim:

Caddiyyu wuxuu yiri: waxaan u diyaar garoobay safar, annigoo u kicitimay magaalada Madiina, waxaana u soo galay Rasuulka (scw), waxaana hore aan u maqlay inuu yiri: waxaan rajeynayaa inuu Ilaah gacantayda ku dhigo gacanta Caddiyyi, waan salaamay isagoo ku jira masjidka. Wuxuu yiri: ”waa kuma?”. Waxaan iri: ”waa Caddiyyu Ibnu Xaatim”. Wuu ii soo istaagay, ka dibna wuxuu i qabtay gacanta isagoo ii kaxeeyay gurigiisa.

Wallaahi ayaan ku dhaartaye wuu i sii waday jeer uu waddada kula kulmay haweeney tabardaran oo weliba waayeel ah, waxayna la socotay wiil yar. Haweentii waxay istaajisay Nebiga, waxayna billowday inay kala hadasho danaheeda, wuu la istaagnaa ilaa uu u dhammeeyo danaheeda. Naftayda ayaa waxaan ku iri: ”Wallaahi kani boqor ma ahan”.

Gacanta ayuu haddana i qabtay ilaa aan ka nimid gurigiisa. Wuxuu soo qaaday barkin ka sameysan harag, isagoo xaggeyga ku soo tuuray iguna leh: ku fariiso”. Intaan ka xishooday baa waxaan ku iri: maya adiga ayaa ku fariisanaya. Wuxuu yiri: maya adiga ayaa ku fariisanaya. Markaas ka dib ayaa waxaan u hoggaansamay amarkii Rasuulka (scw) oo waan ku fariistay, halka uu isaga fariistay dhulka, sababtoo ah guriga ma lahayn waxaan ka ahayn barkintaas. Naftayda ayaan markale ku iri: Arrintani iyo boqornimo kala dheer”.

Intaa dabadeed xaggeyga ayuu soo milicsaday, wuxuuna igu yiri: ”Caddiyyiyoow, miyaadan ahayn nin Rukuusi oo diin ka dhigta diinta kiristaanka iyo diinta Saabi’iyada?”. Waxaan iri: ”haa oo waa runtaa”. Wuxuu yiri, miyaadan ahayn nin tolkaaga ka qaata afar meelood meel (maalka ay dagaalka ka soo dhacaan), taasoo aynan diintaada kuu banneynin?”. Waxaan iri: ”haa”, iyadoo aan garowsaday inuu yahay Nebi xagga Rabbi laga soo diray.

Wuxuu haddana igu yiri (Nebigu):

• ”Waxaa laga yaabaa Caddiyyiyoow, inay kaa reebayso inaad diinta soo gasho waxa aad aragto ee fuqurada muslimiinta ah, Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxay u dhawdahay in maalkii uu daaddaato muslimiinta dhexdooda jeer laga waayo cid qaadata.

• Ma waxaa laga yaabaa –Caddiyyiyoow– inay kaa reebayso inaad diinta Islaamka soo gasho waxa aad aragto oo ah tirada yar ee muslimiinta iyo cadoowgooda oo badan, wallaahi waxay u dhowdahay inaad maqasho haweeneey ka safraysa magaalada Al-qaadisiyyah iyadoo saaran ratigeeda jeer ay ka soo booqato gurigan (kacbada-Makka) iyadoo aynan cidna ka cabsanaynin aan ka ahayn Ilaah.

• Waxaa laga yaabaa inay kaa reebayso inaad soo gasho diinta Islaamka aragtida aad aragto boqortooyada iyo awoodda oo ay gacanta ugu jiraan gaalada, Ilaah ayaan ku dhaartaye waxay u dhawdahay inaad maqasho daarihii cad-caddaa ee dhulka Baabil (magaalo ku taalla Ciraaq) oo ay furtaan muslimiinta, keydihii boqorka Kisraa Binu Hurmuzna ay iyaga la wareegeen”.

Waxaan iri: ”Ma boqorkii Kisraa Binu Hurmuz!?”. Wuxuu yiri: ”haa keydihii boqorka Kisraa Binu Hurmuz”. Caddiyyu ayaa yiri: ”markay arrintu halkaas marayso ayaa waxaan qiray shahaadadii xaqa, waana islaamay”.

Caddiyyu Ibnu Xaatim Ilaah ha ka raalli noqdee wuu cumriyay oo wuxuu noqday waayeel, wuxuuna oran jiray: ”waxaan xaqiijiyay labo ka mid ah waxyaabihii uu Nebiga sii sheegay, waxaase ii hartay hal qayb, wallaahi ayaana ku dhaartaye taasna waa tii timaaddo”.

Caddiyyu wuxuu yiri, waxaan arkay gabadhii oo ka soo safraysa magaalada Al-qaadisiyyah iyadoo saaran ratigeeda welibana ayna cabsanaynin ilaa ay ka timaaddo magaalada Makka. Dhinaca kale annigaaba ka mid ahaa fardoollaydii ugu horeeyay ee weerartay, qaadatayna keydihii boqorka Kisraa. Waxaan ku dhaaranayaa inuu yabooha saddexeadna imaanayo.

Caddiyyu wuxuu yiri: Wuxuu Ilaah doonay inuu xaqiijiyo oraahdii Nebigiisa naxariisyo iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxayna dhacday yaboohii saddexaad xilligii khilaafadii zaahidka caabidka Cumar Binu Cabdul-caziiz, markii maalkii meel la kala geeyo la waayey jeer laga arko nin ku dhawaaqaya: ”yaa ii imaanaya oo iga qaadanaya maalkii zakada oo cidna ayna imaanaynin” (xilligan waxaa xilligii dowladdii Cumar Binu Cabdul-caziiz, waxaa la yiraahdaa inuu dowladdiisa soo saaray qaraaro fara badan oo uu ku kafaalo qaadayo ummadda gaar ahaan fuqurada iyo dadka aan waxna haysan., sida qofkii doonaya inuu guursado isla markaasna aan haysan hanti uu ku guursado inuu maalkaas ka heli karo sanduuqa dowladda, sidoo kalena ciddii lagu leeyahay deyn isla markaasna aan awoodin inay iska bixiso in sanduuqa dowladda uu ka heli karo iwm.

Haddaba, waxaa is weydiin leh maxaa muslimiinta maanta ka dhigay mujtamaca ugu liita dunida marka laga fiiriyo xagga dhaqaalaha, amniga, difaaca, siyaasadda iwm, taasi way iska caddahay waa markii ay ka jeesteen ku dhaqanka diintoodii Islaamka kuna dhisan sinnaanta & caddaaladda, dhinaca kalena ahna diin taabanaysa guud ahaan qaybaha nolosha).

Nebi Muxammad (scw) waa ka run sheegay hadalladii uu yiri, Caddiyyi Ibnu Xaatimna wuu meel mariyay dhaartiisii.

Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariista dhammaan asxaabta Rasuulka oo uu ka mid yahay Caddiyyi Ibnu xaatim.





Assalaamu Caleykum Ku soo dhawoow (hormoodkii islamka iyo mujahidiinti)qaybta VII



الحمد لله .. والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه ومن والاه

ABUL-CAAS BINU RABIIC AL-ANSAARI



Rasuulka (scw) markii uu u hijrooday magaalada Maddiina, arrinkiisana uu darraaday, ayaa qureysh soo baxday iyadoo dooneysa la dagalaallanka Rasuulka (scw) iyo Asxaabtiisa. Abul-Caas wuxuu si aan qasad ahayn uga qayb galay dagaalkii Badar, isagoo la safan dhinaca gaalada. Hase yeeshee ma jirin jaceyl uu jeclaa in uu la dagaallamo Muslimiinta, laakiin darajada uu tolkiisa ka joogay ayaa ku kelliftay in uu ka qayb galo dagaalkaas.

Dagaalkii Badar natiijadii ka soo baxday waxay noqotay in qureysh (gaalada) lagu jabiyo, madaxdii kufrigana laga takhalluso, qaar iyaga ka mid ah waa la laayay, qaarna waa la qafaashay, qaarkii kalena waxay ku badbaadeyn carar. Kuwii la soo qabqabtay oo la soo qafaashay waxaa ku jiray Abul-Caas oo qabay gabadhii Nebiga (scw) uu dhalay ee ahayd Zeynaba. Rasuulka (scw) wuxuu ku waajibiyay dadkii gaalada ahaa ee la soo qab qabtay in ay bixiyaan oo ay isku furtaan lacag, lacagtaasoo u dhaxeysa Kun ilaa Afar kun oo Dirham, iyadoo loo eegayo xaaladahooda hanti iyo reereed. Ergadii ka kala socotay dadkaas waxay bilaabeen in ay u dhaxeeyaan Magaalada Makka iyo Madiina, iyagoo sida maalkii ay ku soo furan lahaayeen dadkooda. Haddaba Zeynaba ayaa soo dirtay maalkii ay ku furaneysay ninkeeda Abul-Caas, iyadoo furasho ahaan u soo dirtay Kuul ay u hadiyeesay hooyadeed Khadiija maalintii ay aroosaneysay.

Markii uu Rasuulka (scw) arkay kuushii waxaa dabooshay Murugo, wuuna u jilcay gabadhiisa isagoo eegay xaggaa iyo asxaabta wuxuuna yiri "Maalkan waxaa soo dirtay Zeynaba iyadoo rabta inay ku furato Abul-Caas, ee ka warama haddii aad u aragtaan in aan u sii deyno Abul-Caas, una celinno maalkeeda waad sameyn kartaan". Saxaabadii ayaa waxay yiraahdeen "Haa, waana ra’yi wanaagsan Rasuulkii alloow". Hase yeeshee Rasuulka (scw) wuxuu Abul-Caas ku xiray sii deyntiisa in uu u soo diro gabadhiisa Zeynaba isagoo aan dib dhicin. Abul-Caas markii uu tagay Magaaladii Makka, wuxuu si dhaqso ah u billaabay in uu fuliyo ballankii. Wuxuu amray xaaskiisa Zeynaba in ay u diyaar garowdo Safar, wuxuuna u sheegay in Ergadii aabaheed ay ku sugayaan meel aan ka fogeyn Magaalada Makka, isagoo u diyaariyay sahaydaydii safarka iyo ninkii raaci lahaa oo ahaa walaalkiis Camar Binu Rabiic.

Camar Binu Rabiic ayaa soo baxay maalin cad, isagoo wada gabadhii Zeynaba, qureyshna ay arkeyso markaas ayeey waxay soo daba galeen Camar iyagoo cabsi gelinaya Zeynaba ilaa ay kaga soo dhowaadeen. Camar ayaa soo baxsaday fallaartiisa, isagoo leh "Wallaahi ruuxii xaggeyga u soo dhowaada waxaan qoorta kaga ganayaa fallaarta", wuxuuna aad u yiqiinay fallaar ganidda. Abuu-Sufyaan Binu Xarbi ayaa soo aaday xagga Camar, wuxuuna ku yiri "Adeer naga leexi fallaartaada ilaa aan kaala hadalno". Camar wuu ka yeelay. Abul-Caas ayaa Camar ku yiri "Camaroow kuma saxsanid falka aad sameynayso, waxaad waddaa iyadoo dadkoo dhan ku arkayaan Zeynaba, waadna ogtahay Carab khasaarihii kaga soo gaaray Muxammad, haddii aad kaxeyso gabadha qabaa’ilka carab oo dhan waxay nagu sheegayaan inaan fuley nahay, waxayna nagu tilmaamayaan dulli iyo wax ma garato, ee ka waran haddii aad u celiso gabadhaan gurigeeda, ilaa ay ka iloobaan dadka oo markaas si sir ah aad u kaxeysatid, markaasna aad u geysid aabaheed, waayoo wax dan ah aan ka leenahay heynteeda ayaan jirin".

Camar sidaas ayuu raalli ku noqday, wuxuuna Zeynaba u celiyay Makka. Muddo yar ka dibna wuxuu sameeyay sidii uu Abuu Sufyaan u sheegay, oo wuxuu soo kaxeeyay Zeynaba, wuxuuna gacanta u geliyay ergadii sugeysay. Abul-Caas wuxuu intaa ka dib iska joogay magaalada Makka ilaa ay ka soo dhowaatay furashadii Makka. Abul-Caas sidii ay caadadiisu ahayd wuxuu si ganacsi ahaan u soo qabatimay Shaam, markii uu soo dhammeystay dantii ganacsi, ayaa wuxuu u soo anbabaxay inuu u soo laabto magaaladii Makka.

Abul-Caas isagoo wata safar gaaraya ilaa 100 halaad, ayna waheliyaan shaqaalihiisii dhamaa ilaa 170 nin ayaa waxaa u soo anbabaxay ilaalo ka mid ahaa ilaaladii Rasuulka (scw) oo aan markaa ka fogeyn magaalada Maddiina. Safarkii way qabsadeen, ragiina way qafaasheen. Hase yeeshee Abul-Caas wuu ka badbaaday oo lama qaban isaga. Markii la gaaray habeenkii ayaa Abul-Caas soo galay magaalada Maddiina isagoo cabsanaya. Wuxuu u tagay xaaskiisii Zeynaba, isagoo weydiistay magangalyo. deedna way magangelisayKolkii Rasuulka (scw) u soo baxay Salaaddii Fajar, xirtayna salaaddii isagoo takbiirsaday, saxaabadiina ay la takbiirsadeen, ayaa waxaa safka dumarka ka dhex qaylisay Zeynaba iyadoo Dumarka ka dhex dhawaaqday Zetnaba iyadoo leh "Dadyahoow waxaan ahay Zeynaba Bintu Muxammad, waxaan magangaliyay Abul-Caas ee idinkana magangaliya".

Rasuulka (scw) markii uu dhammeeyay Salaadda ayaa wuxuu u jileecay xaggaa iyo saxaabada isagoo leh "Ma maqasheen wixii aan anigu maqlay?". Saxaabadii ayaa yiri "Haa, Rasuulkii Alloow". Intaa dabadeedna wuxuu yiri Rasuulka "Allaha nafteyda ay gacantiisu ku jirtaan ku dhaartayee waxna kama ogi arrinkan, ilaa aan ka maqlay wixii hadda aad maqlaysayn, Muslimiintana waxaa wax magangaliya kuwooda ugu sokeeya", kaddibna wuxuu aaday gurigiisa , wuxuuna ku yiri gabadhiisa "Wanaaji hoyga Abul-Caas, waxaadna ogaataa in uusan xalaal kuu ahayn. Wax ka yar ka dib Rasuulka (scw) wuxuu u yeeray ilaaladii soo qabqabtay raggii la socday Abul-Caas iyaga iyo maalkooda, wuxuuna ka dalbay Saxaabada in ay wanaajiyaan, isla markasna u celiyaan maalkiisa iyo saafarkiisa, iyagoo xaq u leh inay diidi karaan, waayoo waa wax ay xaq u leeyihiin.

Saxaabadii arrinkaas way ka ogalaadeen Rasuulka (scw), waxayna uyiraahdeen "Waan u celinaynaa maalkiisa" Abul-Caas markii uu yimi isagoo doonaya inuu qaato maalkiisa ayaa qaar Saxaabada ka mid ahi ku yiraahdeen "Abul-Caas wuxuu ku noqday magaalada Makka, wuxuuna siiyay dadkii amaanadii iyo maalkii ay u dhiibteen, isagoo leh "Qureeshey ma jiraan qof aan helin maalkiisa.".. Waxay yiraahdeen maya, Ilaahna ha kaa abaalmariyo. Abul-Caas ayaa yiri intaa ka dib "Haddaba haddii aan idiin guday xuquuqdii aad igu laheedeen, waxaan qirayaa inuu Ilaah xaq yahay, Nebi Muxammadna yahay Rasuulkii Alle soo diray, mana iga reebin inaan Muxammad agtiisa ku islaamo aan ahayn cabsida aan ka cabsanayay inaad u qaadataan inaan maalkiina la caray ama boobay.. Lakiin markii aan idiin soo celiyay maalkiina, aana madax banaanaadey ayaan Islaamay". Intaa ka dib Abul-Caas wuxuu ku soo laabtay Rasuulka (scw), Rasuulkana wuxuu wanaajiyay marti gelintiisa, wuxuuna u celiyay xaaskiisa, isagoo oran jiray "Abul-Caas wuu ii waramay runna wuu ii sheegay, wuu ila ballamay wuuna oofiyay.

WAXA LA IDINKA CODSANYAA DADKA SIDA FIICAN U YAQAANA SIIRADU HADII AY KU DHEX ARKAAN WAX QALDAN IN AY QAYBTA COMMENTKA (FAALADA) AY KU QORAN SI LOO HORE MARIYO OO LOO SAXO AAD BAAD U MAHADSANTAHAY AKHRISTE.



www.facebook.com

No comments:

Post a Comment